Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa: Sannad Jir aan Socod-baran!

Faaqidaadda Shabakadda Aftahannews: Hargeysa(AFN):- Inta badan ilmaha ama canuggu marka uu dhasho waxa uu  ku fadhi bartaa waqti bilo ah markuu jiro sida lix bilood, shan bilood, toddoba bilood iyo wii la mid ah, isla markaana waxa uu ku socdaa sagaal bilood,toban bilood illaa sannad sida ay u kla madax-fudud yihiin, una kala caafimaad-qabaan, balse marka carruurtu sannad jir gaadhaan boqolkiiba sagaasan kuma sii sugnaadaan xaaladda gurguurashada ee dhinaca socod, tallaabaynta iyo weliba orodka ayay u sii gudbaan.

LODA-HARGEYSA

Golaha-Deegaanka-Caasimadda-Hargeysa12

sss 

Hase-yeeshee, iyada oo ay waqtigii la soo doortay Golahayaasha deegaanka magaalooyinka Somaliland la soo doortay oo ku beegnayd 28 November 2012 oo ay ka soo wareegtay muddo sannad iyo bil maalmo ka dhiman yihiin ah, ayaa Golaha Deegaanka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxay u muuqdaan mid Sannad iyo bil jir ku gur-guuranaya oo aan weli socod baran, isla markaana ku fashilmay hirgelinta hawlaha ay dawladda hoose u xil-saaran tahay ee ay Bulshadu u soo dooratay inay wax ka qabtaan oo uu ugu horreeyo basrinta Xashiishka oo magaalada buux-dhaafiyey iyo adeegyo kale oo badan.

Waxay dadka qaarkood u arkaan in wax muuqda oo iska beddelay Muuqaalka iyo bilicda Caasimadda Hargeysa aanay jirin intii ay xilkaas hayeen oo ku siman tan iyo daba-yaaqadii bishan oo kale December ee sannadkii hore ee 2012.

“Golaha Deegaanka ee Dhalinyarada iyo aqoonyahanka u badan waxa loo doortay oo ay bulshadu codkooda u siisay inay wax u qabtaan, hase-yeeshee, wax qabad kale daayoo Xashiishkii iyo Qashinkii aannu Golahayagii xilka ku wareejiyey sannadkii hore kaga tagnay, ayaa weli buuxa oo Caasimadda buux-dhaafiyey. Markaa, waxaan leeyahay waar bal qashinka uun magaalada ka gura.” Sidaa waxa yidhi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-Shabeel).

Jaamac-Shabeel waxa uu ka tirsanaa Golihii deegaanka Caasimadda Hargeysa oo 10 sano shaqaynayey oo golaha maanta xilka ku wareejiyey sannadkii hore, ahna Guddoomiyaha golaha dhexe ee Xisbil-xaakimka KULMIYE, waxaanu sidaa ku sheegay  Waraysi uu laba toddobaad ka hor ka baxay Telefeshinka Horn Cable.

Keliya Jaamac-Shabeel kuma koobna aragtida uu kaga deyriyey xashiishka buux-dhaafiyey gudaha iyo dacallada Caasimadda, hase-yeeshee, qaybo badan oo bulshada ka tirsan ayuu kala siman yahay. Waxaana sidoo kale jira, baaqyo loo jeedinayo golaha deegaanka Hargeysa  inay wax ka qabtaan qashinka oo laga dayriyey halista caafimaad ee uu ku keeni karo deegaanka iyo dadka ku dhaqan Caasimadda Somaliland.

Haddaba, Weriyeyaasha Shabakadda Aftahannews waxay Akhristayaasheeda u ballan-qaadaysaa inay si taxane ah idiinku soo baahin doonto qaabka Qashinka looga guro Hargeysa, meelaha aan laga gurin ee uu tuulan yahay, daraasado laga sameeyey iyo halista caafimaad ee uu bulshada ku keeni karo.

Waxaaannu idiin soo baahin doonnaa xogo muhiim ah, isla markaana dheelli-tiran, annaga oo ku dedaali donna inaannu idiin soo gudbinno xataa aragtida iyo jawaabta Masuuliyiinta dawladda hoose ee Hargeysa iyo Xildhibaannada golaha deegaanka sannad-jirka ku gur-guuranaya ee Caasimadda Hargeysa.

Dhammaan Macluumaadka halista Xashiishku ku hayo Hargeysa, caqabadaha hor-taagan dawladda hoose iyo Shirkadaha Qashinka qaada ee Qandaraaska kula jira dawladda hoose oo tifaftiran, dhinacyo bandanna taabanaya Aftahannews.com kala soco.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.