Israel oo Weerar ku Qaadday Iran, Ciraaq iyo Suuriya

Iran (aftahannews):- Israa’iil ayaa weerar gantaal ah waabarigii hore ee Jimacaha maanta ah ka fulisay gudaha Iran, sida ay sheegtay warbaahinta Maraykanka, iyada oo soo xiganaysa saraakiil Maraykan ah oo aan la magacaabin.

Warbixinnada shabakadaha ABC, CBS iyo NPR may bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan goobta ama bartilmaameedka gantaalaha Israa’iil.

Warku wuxuu intaas ku darayaa in qarax weyn laga maqlay agagaarka magaalada Isfahan. Gobolka Isfahan

waxaa ku yaal saldhig weyn oo dhanka cirka ah, xarun weyn oo laga sameeyo gantaalada iyo goobo badan oo xarumo Nukliyeer ah.

Dowladaha Iran iyo Isra’il middoodna weli si rasmi ah ugama hadlin weerarkan, sidoo kalerna illaa hadda lama oga khasaarahaka dhashay.

Duqeynta Isra’il ay saaka ka fulusey dalka Iran iyo sidoo kale goobo ku yaal dalalka Suuriya iyo Ciraaq, ayaa u muuqda mid looga jawaaabayo weerarradii Sabtidii hore Iran kumagmaagtay Isra’il, ku was oo loo adeegsaday gantaallada iyo diyaaradaha iswada.

Dowladda Iran oo horay ugu sii toogheysey weerarka ku soo wajahan ayaa goor hore sii xiratay hawada magaalooyinka waa weyn ee dalkaas.