Kenya oo Baadhaysa Shilka Diyaaradeed ee ay ku Dhinteen Taliyihii Millateriga iyo Saraakiil kale

Nairobi (aftahannews):- Dawladda Kenya,  ayaa koox baadhayaal ah u dirtay burburka Diyaaradda ay ku dhinteen Taliyihii Ciidammada qalabka sida Janaraal Francis Ogolla iyo sagaal qof oo kale oo ka tirsanaa Ciidammada Millateriga Kenya.

Illaa hadda ma cadda sababaha keenay burburka Diyaaradda oo ah nooca qumaatiga u kaca ee helikobtarka loo yaqaanno.

Janaraal Ogolla, ayaa ka mid ahaa 12 Qof oo saarnaa Diyaaradda oo gelin kii dambe ee khamiistii shalay dhacday wax yar uun kaddib, markii ay ka kacday garoon ku yaalla Waqooyiga galbeed ee dalka Kenya.

Janaraalka, ayaa Meydkiisa lagu aasi doonaa maalinta Axadda ah Hoygiisa oo ku yaalla galbeedka ismaamulka Siaya ee dalka Kenya, sida ay qoyskiisu sheegeen.

Madaxweyne Ruto waxa uu ku dhawaaqayay seddex maalmood oo baroor-diiq Qaran ah. Waxaanu ku tilmaamay geerida Janaraalka mid murugo ku ridday waddanka.

Madaxweynaha Kenya William Ruto, waxa uu sheegay in dowladdu baadhitaan ku samayn doonto sababta shilkaas Diyaaradeed keentay.

Janaraal Ogolla, ayaa Taliyaha Ciidammada qalabka sida ee dalka Kenya loo magacaabay bishii Abriil, ee sannad kii hore .

“Waddankeena Hooyo waxa uu waayay mid ka mid ah Janaraalladii ugu geesisanaa.” ayuu yidhi Madaxweyne Ruto oo Dadweynaha xalay kala hadlay  Warbaahinta.

Janaraal Ogolla, ayaa Caiidanka Difaaca Kenya ku biiray bishii Abriil 1984-kii, sida laga soo xigtay bogga wasaaradda gaashaandhigga ee dowladda Kenya.

Toddobaadka soo socda, ayuu Taliyaha geeriyooday u dabbaaldegi lahaa afartan guuradda, maalin kii uu ciidanka ku biiray.

Waxa uu shaqada ka bilaabay Ciidanka Cirka, isagoo loo tababarray duuliye sida wasaaraddu sheegtay.

Waxa kale oo Jananka loo tababbaray la-dagaallanka argagixisada, Sirdoonka iyo baadhitaannada dembiyada kala duwan.