Maraykanka oo Is Hortaagay in Falastiin Xubin ka Noqoto Qaramada Midoobay iyo Jawaabta Ruushka

New York (aftahannews):- Maraykanka, ayaa xalay codka diidmada qayaxan ee Fiitooda loo yaqaan u isticmaalay qaraar ay soo diyaarisay Qaramada Midoobay, kaas oo jidka u xaadhaya in xubinnimo buuxda la siiyo dawlad ay leeyihiin Falastiiniyiintu.

Qaraarkan oo la horgeeyey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana taageeray 12 xubnood, waxaa ka aamusay laba xubnood halka Maraykankuna uu ka soo horjeestay.

Dowladaha Maraykanka iyo Ingiriiska, ayaa dhinaca kale ku dhawaaqay inay cunaqabatayno cusub ku soo rogayaan Iran.

Tallaabadan, ayaa ku soo beegmaysa, iyada oo hoggaamiyayaasha Midawga Yurub oo ku shirsan Brussels ay wacad ku mareen inay kordhinayaan cunaqabataynada ay saarayaan Iraan, iyaga oo bartilmaameedsanaya nidaamka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada ay geeyaan meelaha ay ka hawlgalaan ururada gacansaarka la leh sida Gaza, Yemen iyo Lubnaan.

Cunaqabataynta Maraykanka, ayaa bartilmaameedsanaysa shakhsiyaadka iyo Shirkadaha soo saara Mishiinnada ay isticmaalaan Diyaaradaha yaryar iyo weliba dhinacyada soo saara Birta loo adeegsado.

Safiirka Ruushka u fadhiya Gola Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa si adag u weeraray Maraykanka oo uu sheegay inuu dhinac iska dhigay dhibaatada lagu hayo shacabka Falastiin iyo xuquuqdooda in la dhawro.

Waxa uu Safiirka Ruushku sheegay in Maraykanku keliya eegayo danihiisa iyo inuu Israel ku difaaco gar iyo gardarro, isla markaana uu ku garab taagan yahay xasuuqa Israa’iil ku hayso Shacabka Falastiin.