Somaliland Ma ka Gudbaysaa Mugdigii doorasho la’aanta iyo Mawjadihii Khilaafaadka Siyaasadeed?

Hargeysa (aftahannews):- Somaliland, ayaa u muuqata inay ka baxayso Mawjado khilaafyo siyaasadeed iyo sharci ah oo ay muddo sannado ah ku soo jirtay, kuwaas oo hadheeyey nidaamka doorashooyinka iyo hannaanka dimuqraadiyadeed.

Rejada iyo naawilaadda doorashooyinka, oo in badan oo bulshada ka tirsani ay ka niyadjabeen, ayaa hadda u muuqata inay is beddeshay, ka dib markii Guddiga doorashooyinka Qaranku soo saareen Sabtidii war ay ku muddeeyeen doorashooyinka madaxtooyada iyo ta Ururrada iyo xisbiyadu ugu tartamayaan xisbinnimada tobanka sano ee soo socda, isla markaana Madaxweyne Biixi maanta Digreeto ku soo saaray waqtiga lop cayimay qabsoomidda doorashooyinka.

Wareegtada Madaxweynuhu soo saaray oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta aftahannews.com, waxa ay u dhignayd sidatan:-

“Wareegto Madaxweyne 21.04.2024

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne uu ku soo-saaray Cayimaadda Muddada Qabsoomidda Doorashooyinka.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Xeer Madaxweyne Lr. 24/042024

Cayimaadda Muddada Qabsoomidda Doorashooyinka

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Qodobka 6aad, faqraddiisa 2aad ee Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha ee Xeer Lr. 91/2023 oo dhigaya in Madaxweynuhu uu 15 maalmood gudahood uu ku soo saarayo digreeto cayimaadda muddada doorashada, ka dib marka uu helo cayimaadda Komishanka Doorashooyinka;

Markaan Helay; Qoraalka summaddiisu tahay Tix: KDG/XK-6/083/2024, kuna taariikhaysan 20/04/2024, ujeeddadiisuna tahay Cayimaadda Taariikhda La-qabanayo Doorashada Madaxweynaha, Ku-xigeenka Madaxweynaha iyo Doorashada Tooska ah ee Asxaabta Qaranka;

Waxaan Soo-saaray;

In Doorashada Madaxweynaha, Ku-xigeenka Madaxweynaha iyo Doorashada Tooska ah ee Asxaabta Qaranka la-wada qabto 13-ka Bisha November ee sannadkan 2024-ka.”

Go’aankan lagu muddeeyey doorashooyinka Somaliland ee Madaxtooyada iyo Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda, ayaa u muuqda mid meesha ka saaraya khilaafyo daba dheeraaday oo muddo dhawr sano ah soo jiitamayey oo la xidhiidhay dib u dhaca doorashooyinka, qaabka loo qabanayo, sida loo soo kala hormarinayo doorashada madaxtooyada iyo ta Ururrada iyo xisbiyada hore u jiray ugu tartamayaan xisbinnimada iyo inay toban urur siyaasadeed oo ka soo baxay kala reebista lagu sameeyay ururro badan oo la furay 2022-kii wadagalaan doorashada madaxtooyada iyo ta xisbiyadaba

Arrimahaas oo ay aad isugu maandhaafeen Xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka ah ee UCID iyo Waddani. Waxaana khilaafkaas ka dhashay muddo kordhin laba sano ah oo madaxweyne Muuse Biixi iyo Kuxigeenkiisa Golaha Guurtida Somaliland u sameeyeen, taas oo ay mucaaradku ku sheegeen sharci-darro aan la waafajin sababa Dastuurku waajibiyey in muddo kordhin Guurtidu ku samayso.

Waxa kale oo ka dhashay khilaafka la xidhiidha murugga, muddo kordhinta iyo dibudhaca doorashooyinka muddaharaaddo dad ku dhinteen, qaarna ku dhaawacmeen, dad badanna lagu xidhay oo ay mucaaradku sameeyeen, iyo sidoo kale jabhad hubaysan oo gashay Buurta Gacan-libaax ee gobolka Saaxil 2023-kii, kuwaas oo isku dhacyo ciidanka dawladda dhexmaray sababeen dhimasho iyo dhaawac, taas oo aakhirkii lagu guulaystay in wadahadal Madaxda dhaqanku gashay Buurta lagaga soo dejiyo oo hubkana ay ku dhigaan qaab nabad ah.

Qodobbo ay ku dhexdhexaadiyeen mucaaradka iyo xukuumadda Somaliland odayaasha dhaqanka ee Bariga Burco, ayaa mid ka mid ahi dhigayey in mar la wada qabto doorashooyinka madaxtooyada iyo ta xisbiyada jiray iyo Ururrada Siyaasadda, isla markaana ay ta madaxtooyada ku tartamaan Musharraxiinta xisbiga KULMIYE ee talada haya iyo kuwa xisbiyada mucaaradka ee UCID iyo Waddani, halka xisbinnimada ay ku tartami doonaan xisbiyada jiray iyo ururrada siyaasadda, kuwaas oo Saamilayda Siyaasadda Somaliland isla qaateen, marka laga reebo dhawr urur oo ka soo horjeestay, waxaana sharciga waafajiyey soo jeedinta lagu xalliyey waxyaabaha salka u ahaa khilaafaadka, isla markaana ansixiyeen Golayaasha Sharcidejinta Wakiillada iyo Guurtida ee Baarlamaanku, kaas oo ay Maxkamadduna ka garnaqday dacwad ay u gudbiyeen Ururrada Siyaasadda ee Horseed, Hillaac iyo Ogaal oo diiddanaa qodobbadaas qaarkood, ka dibna Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi qalinka ku duugay ansixinta Golayaasha Baarlamaanka ee la xidhiidha waxka beddelka iyo Kaabista Xeerarka doorashooyinka Somaliland.

Su’aashu waxay tahay Somaliland goonka muddaynta doorashooyinka ka dib Maka gudbaysaa Mugdigii doorasho la’aanta iyo Mawjadihii Khilaafaadka Siyaasadeed?

Jawaabtu waxay noqonaysaa, Xaalad kasta oo ay soo mareen arrimaha doorashooyinku, waxay hadda u muuqdaan kuwo muddo iyo xilli lagu xisaabtamo qabashadooda la isla garanayo, haddii aanay soo bixin arrimo dhaliya khilaaf mar kale mugdi gelin kara doorashooyinka ku xafiiltankoodu jahowareerka siyaasadeed iyo kala qaybsanaanta Bulsho geliyey dalka Somaliland, waxkastaana waxay ku xidhnaan doonaan heerka dedaalka iyo daacadnimada ay muujiyaan Guddiga doorashooyinka Qaranka iyo Xukuumadda uu Madaxweyne Muuse Biixi hoggaamiyo.

Madaxweynaha ayaa la doortay 13kii November 2017 kii. Waxay ahayd in 13 November 2022-kii la qabto doorasho madaxtooyo, balse ma qabsoomin. Muddakordhinta labada sano ah ee Guurtidu u kordhisay ayuu ku fadhiyaa kursiga Madaxweyne Biixi, taas oo ku eeg 13ka December oo ah bil ka dib marka doorashooyinka la qabto.

Cabdifataax Mursal

Aftahannews.com Writter

Email aftahanmursal@gmail.com .