Tirada Muhaajiriin ku Dhintay Doon Xeebaha Jabuuti kula Qallibantay

Djibouti (aftahannews):- Hay’adda Socdaalka u qaabbilsan Qaramada Midoobay ee IOM, ayaa maanta sheegtay, in ugu yaraan 16 Muhaajiriin ahi ay ku dhinteen dhawaan meel ka baxsan Xeebaha Jabuuti, kaddib markii ay la qallibantay Doon ay la socdeen.

IOM waxay sheegtay in sidoo kale la la’yahay 28 kale oo ka mid ahaa 77 qof oo la socday doonta. Qoraal ay IOM ku daabacday barta X ayey ku sheegtay in dadka doonta saarnaa ay ku jiraan caruur.

Shilkan, ayaa ah kii labaad ee ka dhaca aagaasi, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay intii horraantii bishan ama laba toddobaad ah ka hor.

Ugu yaraan 38 qof oo ay ku jireen Carruur, ayaa ku dhintay masiibo laba todobaad ka hor ka dhacday meel u dhaw xeebaha Jabuuti, kaddib marki ay dagtay dooni ay saarreeyeen dad muhaajiriin ah.

Hay’adda IOM, ayaa sheegtay in Xafiiskeeda Djibouti uu ka qeyb-qaadanayo howlaha gurmadka ah ee lagu caawinayo dhibbanayaasha Badda ku halligmay.