Magac iyo Muquuno! Waxa Qoray Muuse Jaambiir

MAGAC IYO MUQUUNO

Laba nin oo walaalo ahaa ayaa arrin kala galay. Lexojeclaa dhex martay. Isku dabci iyo isku damac midna may ahayn. Mid baa hor iyo daba diid ahaa, oo walaalkii uga bartay, waxay isku qabtaanba inuu siiyo. Tuu uga bartay buu ka sugayaa oo garba waa diiday, cid soo fadhiisisana waa la waayay.

Beri dambe oo ay sidii isaga laalaadaan, ayaa nin aan arrin badan loo tirin jirini, warkooda maqlay. Kolkaasuu kii gar yigilka ahaa ee daw baxa walaalnimo raadinayay la kulmay.

Kuye; “Walaalkaa, wuu ku yaqaanaa. Intaada dhanaan intaada macaani inay ka badantay ayuu kugu yaqaanaa. Ma doonaysaa inaad cadkaaga dhacsato? Carrabkaba muu labine, haa buu soo la booday.

Kuye; “Walaalkaa noqo! La yaab! Oo sidaan ku noqdaa buu waydiiyey. Kuye; “Gardarada la yeelo”. Oo sidaan ula yeelan karaa, wuu iga gar daran yahaye?. Kkkkkkk kuye; “Dhaqankiisa yeelo, yacnii dantaada walaalkaaga rumaad ka dhigo. Adaa arki markaa wuxuu…..”.

Haatan soomaalidu, maanta waxay u kala taalaa shantii gumaysigu u qaybiyey. Laba ka mid ah, masiirkoodu ummaddo kale ayuu shuraako la yahay, kuwaasay magac wadaagaan.

May dooran ee sidii gumaysigu u gartay ayay weli qayb uga yihiin. Kenyaan iyo Itoobiyaan ayaa ninba tuu yahay loogu yeedhaa. Saddexda kale oo xornimo toosa helay, midkood magaca soomaali sheegashadiisa wuxuu ku beddeshay mid kale. Wuxuu la baxay Jabuuti, waxaana la yidhaahdaa Jamhuuriyadda Jabuuti.

Markaa, shantii, laba keliya ayuu maanta magaca ‘Soomaali’ sheegashadooda jiritaan ku soo arooraa (Somaliland oo ah curadkii xorriyada & Somaliya oo ah curad ku xigeenkii). Shantooda, mid kastaaba ficil ahaan tiisii buu haystaa, mid shuraako ku jira iyo mid gaar u haystaba. Balse, labada soomaali sheegashadu magacooda qaybta ka tahay, ayaa masiir ahaan is sheeganaya.

Way iska lushaan, way isku dulman yihiin, misana, waxa isku sii dulmaya saddexda kale. Waxay tooda ka odhan lahaayeen, labadanay tooda ka yidhaahdaan. Haba yidhaahdaane, siday uga yidhaahdaan ayaa dhinac duudsi ka dhigan.

Khilaafka Somaliland iyo Somaliya jiritaankiisa dambe waa 33 jir, haddii dhalashadiisii hore loo raaco na waa 54 jir. Sooyaalka khilaafka iyo sooyaalka da’da labada dhinac wax badan isma dheera.

Hase yeeshee, marka mawduucan laga hadlayo, waxa dad badan dhihistooda ka dhadhanta faham darro dhanka taariikhda ah. Sidaa darteed, waa lama huraan in laga hor tago khaladka iyo laaxinka taariikhda la gelinayo.
La soco qaybta labaad..

Qalinka: Muuse Jaambiir