Canfarta oo Jab weyn kala Kulmay Weerar ay ku Soo Qaadeen Deegaanka Soomaalida

Siti (aftahannews):- Ciidammada deegaanka Canfarta, ayaa mar kale subaxii hore ee Sabtidii maanta weerar culus oo jihooyin dhawr ah kusoo qaaday Deegaanka Soomaalida, halkaas oo ay mar kale kala kulmeen khasaare weyn oo dhimasho, dhaawac iyo in dib la iskaga caabbiyey ah.

Waqtigii salaadda Subax ayay ciidamada Liyuu booliska Canfarta iyo jabhadahoodu ay weerar kusoo qaadeen afar aag oo degmada Dhuunyar ah oo ay doonayeen inay dib ugu qabsadaan afar saldhig oo maalmo ka hor lagala wareegay.

Goobaha ay Canfartu saaka weerarka kasoo qaadeen oo kala ahaa Damal-Cawl, Guuxa, Xabagle iyo Gambaale oo dhamaantood degmada Dhuunyar ah ayaa waxa ay si aad ah ugu soo diyaargaroobeen sidii ay u qabsan lahaayeen saldhigyadii dhowaanta laga qabsaday ee dhinaca Dabamara, gaar ahaan Goble, balse ciidamada iyo shacabka Soomaalida ayaa galay difaac adag oo iska caabbiyey Canfarta.

Sida caadiga ah, dagaalka oo lagu yaqaano in khasaaruhu ku badnaado cidda weerarka ayaa saaka tusaale cad looga dhigay Canfarta waxaana ciidamada iyo shacabka iskaashanaya ee Soomaalidu ay adkaysteen difaaca, isla markaana khasaare badan oo nafeed ay u geysteen Canfarta duullaanka ahayd.

Wararka aanu ka helayno furimaha hore ee dagaalka ayaa sheegaya, in iyadoo Canfarta dib loo celiyey oo ay dhabarka jeediyeen uu bilaabmay roob weyn oo sababay in uu dagaalku joogsado, waxaase saacad kasta qarxi karaya dagaalka maaddaama oo ay tallaabooyin isu jiraan Ciidammada duullaanka ah ee Canfarta iyo kuwa deegaanka Soomaalidu.

Dhinaca degmada Daymeed, Garbaciise oo ay Soomaalidu kaga hareeraysan yihiin dhinacyada bariga illaa woqooyiga ayay Canfartu kusoo rideen hubka culus ee ay dawladda federaalku siisay waqtigii ay la dagaallamayeen Tigrayga, balse wax dagaal ah oo ka dhacay aaggan ma uu jirin inkasta oo ay isku muuqdaan labada ciidan.

Dagaalkan oo yimid maalin kaddib markii ay magaalada Addis Ababa ka dhaceen wada-hadallo u dhexeeyey odayaasha dhaqanka Deegaanka Soomaalida iyo kuwa Canfarta oo uu iskugu yeedhay Golaha Islaamka ama Majlisul Aclaha Itoobiya oo dhinacyada loogu soo jeediyey in ay hakiyaan dagaalka ayaanay Canfartu dheg u dhigin.

Waxaanay saddex maalmood oo uu dagaalku hakad galay uga faa’iidaysteen in gurmad ay ka helaan Canfarta deggen Djibouti iyo Ereteriya sida lagu arkay aqoonsiyada meydadka iyo maxaabiista laga hayo Canfarta.