Midowga Yurub oo Ansixiyay Kharashka Geeddiga Ciidanka ATMIS kaga baxayo Somalia

Muqdisho (aftahannews):- Midowga Yurub, ayaa ansixiyay $74.4 Milyan oo Doollar oo loogu talogalay qarashka ku baxaya wareejinta mas’uuliyadda amniga ee Ciidammada ATMIS oo Soomaaliya ka baxaya dhammaadka sannadkan 2024.

Sidoo kale, Midowga Yurub ayaa sheegay inuu $42.5 milyan ku taageeri doono Ciidammada xoogga dalka Soomaaliyeed, si ay awood ugu yeeshaan la wareegidda masuuliyadda amni ee dalkooda.

Sannadkii 2023-kii, howgalka ATMIS ayaa bilaabay inuu Ciidammadiisa kala baxo Soomaaliya, iyadoo loo hoggaansamayo Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee soo baxay 2023.

Taliska ATMIS, ayaa soo gebogebeeyey wejigii koowaad iyo labaad ee dhimista Ciidammo gaadhaya 5,000 oo Askari, waxaanu 13 saldhig oo ciidan ah ku wareejiyeen Ciidammada nabad-sugidda Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, 4,000 oo Askari oo dheeraad ah oo ka tirsan Ciidammada ATMIS, ayaa la filayaa in laga saaro Soomaaliya dhammaadka bisha June ee sannadkan 2024-ka.

Midowga Yurub, ayaa ah taageeraha dhaqaale ee ugu weyn ee howgalka ATMIS, isagoo bixiyay ku dhawaad 2.87 Bilyan oo Doollar tan iyo 2007-dii.