Markab Dagaal oo Dushiisa lagu Qabtay Xafladda Dhaqan-galka Heshiiska Difaac ee Somalia iyo Turkiga

Muqdisho (aftahannews):- Markab kuwa dagaalka ah oo ay leeyihiin Ciidammada Badda ee Turkiga, ayaa maanta soo gaadhay Dekedda Muqdisho, waxaana dushiisa lagu qabtay Xaflad lagu saxeexay dhaqangalka Heshiiska Difaac iyo Iskaashi dhaqaale ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Masuuliyiin kale, ayaa ka qayb-qalay munaasibadda Markabka dushiisa lagu qabtay.

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Warbaahinta ee madaxtooyada Villa Somalia, kaas oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta aftahannews.com, waxa uu u dhignaa sidatan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Danjiraha dowladda Turkiga ayaa kaga qeyb-galay dusha markab dagaal oo ay leeyihiin Ciidamada Difaaca Turkiga munaasabad ku saabsan dhaqan-gelinta heshiiska iskaashiga difaaca Labada dal.

Madaxweynaha ayaa xusay taariikhda faca-weyn ee ka dhaxaysa Turkiga iyo Soomaaliya, gaar ahaan doorka wanaagsan ee ay ka qaadanayaan dowlad-dhiska, gargaarka iyo garab istaagga dadka Soomaaliyeed, iyagoo xilli adag ku soo dhiirraday in ay soo gaaraan Soomaaliya.

“Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo heshiiskani inaga dhexeeyo waa dal iyo dad aan naqaanno, marar badan hiil inoo muujiyay. Waa waddan saaxiib iyo walaal ah oo aan ku aamini karno iskaashigan muhiimka u ah difaaca qarannimadeeenna iyo midnimadeenna dhuleed”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo mahadcelin iyo bogaadin u diray Madaxweynaha Turkiga, ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu bishaareeyey in dhaqan-gelinta heshiiskan ay suurta gelinayso dib u soo celinta Ciidamadda Badda Soomaaliyeed oo awood u yeesha in ay kaligood sugaan difaaca badaheenna, muddo dhow kaddib, haddii Alle idmo. DHAMMAAD.” Sidaa ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka villa Somalia.