Madaxweynaha Kenya oo Xaqiijiyey Geerida Taliyihi Millateriga iyo Saraakiil kale oo Diyaaradi la Dhacday

Nairobi (aftahannews):- Madaxweynaha Kenya William Ruto oo caawa warbaahinta ka hadlay, ayaa xaqiijiyay geerida Taliyaha Ciidanka Millateriga Jenaraal Francis Ogollaoo ku dhintay shil diyaaraddeed oo maanta galinkii dambe ka dhacay Gobolka Rift Valley.

Madaxweyne Ruto, ayaa sheegay in sagaal Sarkaal oo kale oo diyaaradda la socday ay ku dhinteen shilka, labo kalena ay badbaadeen.

Diyaaradda oo ahayd nooca qumaatiga oo kacda oo ay la socdeen Taliyihii Ciidammada Millateriga qalabka Kenya Jenaraal Francis Ogolla iyo xubno kale, ayaa burburtay wax yar uun kaddib markii ay kacday.

Madaxweynaha Kenya, waxa uu ku dhawaaqay seddex maalmood oo Baroor-diiq Qaran ah, iyadoo Calanka dalka hoos loo dhigay.