Home » Archives by category » Wararka

Xukuumadda Somaliland Oo Gobolka Sanaag Ka Bilowday Raafka Dadka Ka Soo Jeeda Soomaaliya

Hargeysa, (Aftahannews)-Ciidamada Booliiska Somaliland ee gobolka Sanaag, ayaa bilaabay howlgalo ay ku qab qabanayaan dadka aan Somaliland u dhalan ee gobolka ku dhaqan, khaasatan dadka kasoo jeeda maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya, iyadoo ay shalay ku ekayd mudadii ay xukuumada Somaliland u qabatay in dadkaasi gobolka kaga baxaan.

Suudaan Oo Markale Qarka U Saaran Inuu Ka Dhaco Afgambi Milateri Iyo Shacabka Oo Cabsi Soo Wajahday

Comments Off on Suudaan Oo Markale Qarka U Saaran Inuu Ka Dhaco Afgambi Milateri Iyo Shacabka Oo Cabsi Soo Wajahday

Sudaan (Aftahannews_=Wararka ka imaanaya wadanka Suudaan ayaa sheegaya in raysal wasaarahii dalkaasi Cabdalla Xamduuk la galiyay xabsi guri sida uu baahiyay Tv-ga Alxadath ee dalkaasi. Wararka waxay intaasi ku darayaan in ciidamo ka tirsan militariga dalka Suudaan ay isku gadaameen guriga raysal wasaare Cabdalla Xamduuk, waxaana dadka la xidhay ka mid ah xubno ka tirsan […]

Continue reading …

53 Sanno Markii Ugu Horraysay Oo Maamulka Puntland Loo Dareeray Doorasho Qof Iyo Cod Ah

Comments Off on 53 Sanno Markii Ugu Horraysay Oo Maamulka Puntland Loo Dareeray Doorasho Qof Iyo Cod Ah

Garoowe (Aftahannews)-Puntlland, waxaa maanta ka billowday doorashooyin dadweynuhu ay codkoodu wax ku dooranayaan markii ugu horraysay 53 sanon kadib, sida  uu sheegay guddiga doorashooyinka Puntland. Doorashadan oo ka dhacaysa saddex degmo oo kala ah, Eyl, Qardho iyo Ufayn ayaa waxaa ku tartamaya siddeeda urur siyaasadeed, kuwaas oo ku loolamaya doorashooyinka xildhibaannada golaha deegaanka (Dowladdaha hoose) […]

Continue reading …

Waa Kuma Madaxweynihii Hore Ee Mareykanka Ee Xafiiskiisa Dhigtay Kitaabka Quraanka Ah?

Comments Off on Waa Kuma Madaxweynihii Hore Ee Mareykanka Ee Xafiiskiisa Dhigtay Kitaabka Quraanka Ah?

Hargeysa (Aftahannews)- Nuqul Quraan oo naadir ah oo lagu turjumay luuqadda Ingiriiska oo uu lahaa madaxweynihii saddexaad ee Maraykanka Thomas Jefferson ayaa lagu soo bandhigayaa carwada Dubai Expo 2020.Waa markii ugu horreysay ee nuqulkan la geeyo meel ka baxsan dalka Mareykanka tan iyo qarnigii siddeed iyo tobnaad. Waxaa turjumay George Sale oo u dhashay Ingriiska […]

Continue reading …

Maxkamada Gobolka Saaxil Oo Xukun Ku Riday Laba Markab Oo Ajinabi Ah

Comments Off on Maxkamada Gobolka Saaxil Oo Xukun Ku Riday Laba Markab Oo Ajinabi Ah

Berbera (Aftahannews)-Maxkamada Gobolka Saaxiil ee Somaliland, ayaa xukun $20,000 oo ganaaxa ku riday laba markab oo nooca taaga loo yaqaano ee maraakiibta soo xidha ah, oo laga leeyahay dalka Togo, kadib markii lagu helay danbi ah in ay biyaha Somaliland si sharci daro ah kusoo galeen.

Continue reading …

Kooxaha Liverpool Iyo Realmadrid Oo Garaacay Dhiggoodda Kooxaha Man.United Iyo Barcelona

Comments Off on Kooxaha Liverpool Iyo Realmadrid Oo Garaacay Dhiggoodda Kooxaha Man.United Iyo Barcelona

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa murugaysan kaddib guushii weynayd ee ay ka soo gaadhay Manchester United oo ay ku soo garaacday 5-0 iyadoo marti ugu ahayd Old Trafford. Liverpool ayaa sii wadata rikoodhkeeda cajiibka ah ee xilli ciyaareedkan waxaanay tahay kooxda kaliya ee Premier League ee illaa hadda aan wax guul darrooyin ah kala kulmin […]

Continue reading …

Xisbiga Waddani Muxuu Ka Yidhi Amarka Xukuumadu Ku Dhintay Safarada Shirkadaha Diyaaradaha Qaarkood

Comments Off on Xisbiga Waddani Muxuu Ka Yidhi Amarka Xukuumadu Ku Dhintay Safarada Shirkadaha Diyaaradaha Qaarkood

Hargeysa, (Aftahannews)-Xisbiga Waddani, ayaa xukuumada Somaliland ku eedeyay in ay u dhintay safarada shirkadaha qaarkood sida Flydubai, Airarabia iyo Daallo, si loo naas nuujiyo shirkado kale oo qoyska madaxweyne Biixi wakiil kayahay. Xogeeyaha ganacsiga, dalxiiska iyo warshadaha ee xisbiga Waddani Xamse Khayre, oo xarunta guud ee xisbiga warbaahinta kula hadlay, ayaa shirkado aanu carabaabin ku […]

Continue reading …

Wasiir Beyle: “Haddii Soomaaliya January 2022 Madaxweyne Yeelan Weydo Waxaa Suurtagal Ah Inay Istaagaan Mashaariicdu….”

Comments Off on Wasiir Beyle: “Haddii Soomaaliya January 2022 Madaxweyne Yeelan Weydo Waxaa Suurtagal Ah Inay Istaagaan Mashaariicdu….”

Muqdisho (Aftahannews)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdirahman Ducaale Beyle oo maanta daah-furay Shirka Wadatashiga Miisaaniyadda Dowladda ee 2022-ka ayaa sheegay in hadii aanay Soomaaliya January 2022 ka hor an la soo gababeynin doorashada madaxtinimo ee dalka ay suurtagal tahay inay istaagaan dhamaan mashaariicda yar ee hadda ka socda dalka. Wasiirka Beyle ayaa […]

Continue reading …

Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Joojinta Fly Dubia Ee Duulimaadyadeedda Somaliland

Comments Off on Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Joojinta Fly Dubia Ee Duulimaadyadeedda Somaliland

Hargeysa (Aftahannews)-Shirkada diyaaradaha FlyDubai ee laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta, ayaa go’aansatay in ay joojiso duulimaadyadii todobaadkiiba 3 cisho ay ku iman jirtay magaalada Hargaysa, kadib markii xukuumada Somaliland u sheegtay in ay safaradeeda 2 cisho kusoo koobto. Mareeyaha Hay’ada Duulista iyo Madaarada Somaliland Cumar Sayid Cabdillaahi, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in shirkada FlyDubai, ay […]

Continue reading …

Dhakhaatiir Ku Guuleystay Qaliin Ay Kelli Xayawaan Ugu Talaaleen Nin

Comments Off on Dhakhaatiir Ku Guuleystay Qaliin Ay Kelli Xayawaan Ugu Talaaleen Nin

Hargeysa (Aftahannews)-Dhakhaatiirta qalliinka Maraykanka ayaa sheegay inay ku guulaysteen in kelli doofaar ay ku tallaaleen qof bukaan ah ayagoo sheegay in ay rajaynayaan in ugu dambayn arrintaasi ay xallin doonto gabaabsiga xubnaha jirka ee dadku ay ku deeqaan. Qofka kellida loo geliyey ayaa ahaa mid maskaxdiisu dhimatay, taas oo ka dhigan in markii hore ay […]

Continue reading …
Page 1 of 1782123Next ›Last »