Odayaasha Deegaanka Soomaalida oo Shuruudo Adag hordhigay Canfarta ku Soo Duushay

Siti (aftahannews):- Odayaasha Dhaqanka ee deegaanka Soomaalida, ayaa shuruudo adag ku xidhay heshiis dhax-mara deegaannada Soomaalida iyo Canfarta oo uu dhax-dhaxaadin ka dhax wado Golaha Sare ee Islaamka ee Ethiopia.

Jimcihii shalay, ayuu Golaha Sare ee Islaamka ama Majlisul Aclahu, uu shaaciyey in ay wadaan dedaallo ay ku dhax-dhaxaadinayaan Soomaalida iyo Canfarta duullaanka ah ee shacabka badan ku xasuuqday galbeedka gobolka Sitti, waxaana sawirro ay majlisul acluhu baahiyeen kasoo dhax-muuqday odayaasha deegaanka Soomaalida oo uu hormood u ahaa Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahim.

Wada-hadalkan oo hore u qorshaysnaa ayay dhinacyadu wax heshiis ah kuma aanay gaadhin sida ay KaramaraTV u xajiijiyeen qaar ka mid ah odayaashu, hase yeeshee waxa miiska ay odayaasha Soomaalidu soo saareen shuruudo adag oo ay ku xidheen in heshiis dhax-maro Canfarta iyo Soomaalida.

Toban oday oo ka kooban gobollada deegaanka Soomaalidu uu ka kooban yahay oo dhan, ayaa Addis Ababa u safray oo shirka ka qayb-galay, waxaanay la shir-tageen afar shuruudood oo ay ku sheegeen kuwa kaliya ee horseedi karaya in xal loo helo colaadda u dhaxaysa Soomaalida iyo Canfarta oo shanti sannadood ee ugu dambeeyey duullaan ku haysay galbeedka Gobolka Sitti isla markaana la wareegtay dhul badan oo ay hadda dagaallo ka socdaan.

Shuruudahan oo ka koobnaa afar oo ay isku wada waafaqsan yihiin shacabka Deegaanka Soomaalida isla markaana ah xaqiiqada lagu xallin karayo colaaddan, ayaa waxa shuruudda koowaad ee ay odayaashu hordhigeen xubnaha Golaha Islaamka iyo xubnihii ka socday dhinaca Canfartu ay ahayd, in gebi ahaanba ay Canfartu ay shuruud la’aan kaga baxaan dhulka Soomaalida ee ay qabsadeen, taas oo bud-dhig u noqonaysa in la wada-hadli karayo.

Shuruudda labaad ayaa ahayd in Canfartu ay joojiso dagaallada iyo weerarrada ay ku hayaan dhulka iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay ku doonayaan dhul-ballaadhsiga.

Shuruudda saddexaad ee ay odayaashu u gudbiyeen Golaha Islaamka iyo xubnaha Canfarta ah ee goobta joogay, ayaa waxa ay ahayd in Canfartu ay magdhow ka bixiyaan wixii dhib ah ee ay geysteen.
Iyo shuruudda afraad oo ah in dadkii ay Canfartu soo barakicisay lagu celiyo dhulkoodii.

Si kastaba ha ahaatee, Canfarta oo ay muuqato in aanay nabad-doonaynin ayaa 24 saacadood kaddib markii uu Golaha Islaamku shaaciyey inay wada-hadleen Soomaalida iyo Canfartu, waxa ay soo qaadeen duullaan dhinacyo badan oo mar kale khasaare weyn loogu geystay Sabtidii maanta.