Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo Daah-furay Xeerka Qaxootiga

Hargeysa (Aftahannews)- Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta daah-furay xeerka qaxoontiga iyo magangeliyo doonka Jamhuuriyadda Somaliland xeer Lr. 103/2023.

Xeerka qaxoontiga iyo magangeliyo doonka Jamhuuriyadda Somaliland xeer Lr. 103/2023, oo ay dhawaan ansixiyeen goleyaasha sharci dejinta Somaliland ayaa loogu tallo galay in wax lagaga qabto xuquuqda qoxoontiga.

Madaxweyne ku xigeenka JSL Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo xafladda xeerkaasi si rasmiya u daha-furay ayaa sheegay in ay muhiimadeedda leedahay samaynta xeerka qaxoontiga iyo magangeliyo doonka.