Israa’iil oo ka soo horjeesatay Barnaamij Sacuudigu doonayo

Tel Aviv (Aftahannews)- Wasiirka tamarta Israa’iil, ayaa ka soo horjeestay fikradda ah in barnaamij nukliyeer rayid ah oo ay horumariso Sacuudi Carabiya uu qeyb ka noqdo heshiis Mareykanka uu dhex-dhexaadiyo oo ay xidhiidh ku yeeshaan labada dal.

Wargeyska New York Times, ayaa bishii March ku warramay in barnaamij noocaas ah uu qeyb ka yahay shuruudaha ay Riyadh ku xidhayso inay xidhiidh diblomaasi la yeelato Israa’iil.

Saraakiisha Sacuudiga iyo Mareykanka ayaan weli xaqiijin shuruudahaas.

Iyada oo tilmaameysa tusaalooyin hore sida Ciraaq iyo Liibiya, Israa’iil, ayaa muddo ka walaacsaneyd inay dalalka deriska la ah ay barnaamij nukliyeer ah oo nabadeed ku qariyaan mid bam ah oo ay horumariyaan.

“Caadiyan, Israa’iil ma dhiirigelineyso arrimahan oo kale, uma malaynayo in Israa’iil ay ogolaato arrimahan oo kale,” ayuu wsiirka tamarta Israel Katz u sheegay taleefishinka Ynet TV, mar la waydiiyay haddii barnaamij nukliyeer rayid ah oo Sucuudigu yeesho uu qayb ka noqon karo xidhiidhka labada dal.

Israa’iil, ayaa toddobaadkii tegay sheegtay inay rajeyneyso in Washington ay kala tashan doonto heshiis kasta oo ay galaan Mareykanka iyo Sacuudiga oo saameynaya amnigeeda.

Israa’iil, oo aan qeyb ka aheyn heshiiska dalalka caalamka u diidaya inay helaan hub nukliyeer ah ee NPT ayaan lahayn nukliyeer tamar ah, hase yeeshee waxaa aad loo rumeysan yahay inay haysto hub nukliyeer.

Reuters