Somaliland oo Digniin Culus u dirtay Soomaaliya iyo Puntland

Hargeysa (Aftahannews) – Xukuumadda Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday in dagaalka ka socda magaalada Laascaanood aanu ahayn tabasho ay tirsanayaan bulshada ku dhaqan gobolka Sool, balse uu yahay qorshe ay ku midaysan yihiin cadowga Somaliland oo ay ugu horreeyaan Kooxaha Argagixisada ah.

Xukuumadda Somaliland, waxa ay sheegtay inaanay waxba iska beddelin go’aankii ay xalay ku shaacisay xabbad-joojinta ka dhanka ah dagaalka magaalada Laascaanood oo ay isaga soo horjeedaan Ciidamada Qaranka iyo malleeshiyaad isugu jira dadka deegaanka, kooxo argagixiso ah iyo ciidamo isaga kala yihiin dalalka deriska.

Waxaa ay Xukuumaddu ay Garaaddada ku sugan magaalada Laascaanood iyo maleeshiyo-beeleedka ka amar-qaata ku eedaysay inay buriyeen kana baxeen xabbad-joojin labada dhinacba shaaciyeen xalay, kaddib markii ay subaxnimadii saaka weerar ku soo qaadeen fadhiisimada Ciidamada Qaranka, sida xukuumaddu ku sheegtay war-saxaafadeed ay maanta soo saartay.

War-saxafadeedka, ayaa lagu yidhi, “Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay cadaynaysaa in go’aankeedii  ahaa xabad-joojinta aan shuruudda lahayn uu sidiisii dhaqangal u yahay, waxna aanay iska beddelin.

Xukuumadda Somaliland wax ay cadaynaysaa in marka horeba ciidamada JSL aanay weerar ahayn  ee ay keliya ku jireen isdifaacid, welina ay ku sugan yihiin fadhiisimadoodii.

Waxa muuqata in dhinaca kale aannu diyaar u ahayn xabad-joojin si buuxda uga dhaqangasha magaalada Laascaanood, iyaga oo ilaa maanta subaxii hore weerarro is dabajoog ah ku soo qaadayay ciidamada JSL.”

Xukuumaddu waxa ay war-saxaafadeedka kaga digtay colaad hor leh oo maamul-goboleedka Puntland ka hurinayo gobolka, “Dhinaca kale, Xukuumadda JSL waxa ay u digaysaa dawaladda Soomaaliya gaar ahaan maamul goboleedka Puntland oo ciidamo tiro badan keenay xuduudda labada dal wadaagaan ee aagga Tukaraq taas oo keeni karta isku dhac ciidan,” sidaas ayaa lagu yidhi war-murtiyeedka.

Waxa kale oo War-saxaafadeedka lagu sheegay, “Xukuumadda Somaliland waxa ay u cadaynaysaa bulshada Soomaalida iyo caalamka in xaaladda Laascaanood ka taagani tahay mid ka weyn tabasho bulsho ee uu yahay qorshe ay ku midaysan yihiin kooxo cadow ku ah jiritaanka iyo Qaranimada Soomaaliland oo ay ugu horeeyaan kooxaha argagixisada ihi.

Xukuumadda Somaliland waxa ay u cadaynaynaysaa mar kale bulshada Soomaaliland iyo caalamka in ay xukuumad ahaan ka go’an tahay hirgelinta Xabad-joojintii aan shuruuda lahayn ee xalay  ku dhawaaqday kana go’antahay dhaqangalinta Xabad-joojintaasi.” Sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka oo farriin loogu diray bulshada Soomaalida, Caalamka iyo Shacabka Somaliland.