Duqa Magaalada Laascaanood oo eedaymo u jeediyay Somaliland

Laascaanood (Aftahannews)- Duqa magaalada Laascaanood ee Somaliland, Cabdiraxiin Cali Ismaaciil, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dagaalka ka socda magaalada, isaga oo eedayn u jeediyay Xukuumadda Somaliland.

Cabdiraxiin oo ay barbar taagan yihiin xildhibaano ka tirsan golihiisa deegaanka, ayaa shir jaraa’id ku qabtay gudaha magaalada Laascaanood, wuxuuna ku eedeeyay ciidamada Somaliland inay xasuuq ba’an ka geysanayaan goobaha ay ku sugan yihiin shacabku.

“Waxaanu cadeynaynaa in la duqeynayo goobihii caafimaadka, in la duqaynayo masaajiddadii, in la duqaynayo kaalmihii shidaalka iyo guryahii dadka shacabka yaaleen. Halkaan aan taagannahay waa cusbitaalkii Laascaanood. Madfac baa ku dhacay. Waxaa ku waxyeeloobay hooyo ummul ah, xataa Masaajidadii ayaa gubanaya,” ayuu yidhi Duqa Laascaanood, Cabdiraxiin Cali Ismaaciil.

Sidoo kale, waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay sheegashadii Somaliland ee ahayd in Laascaanood ay kula dagaalamayaan kooxo argagixiso ah.

“Waxaan caalamka u cadeynaynaa anigoo ah duqii Laascaanood, in aan Laascaanood argigixiso ka dagaalamayn. Waxaa dagaalamaya waa shacabkii Laascaanood oo naftooda iyo cirdigooda difaacaya. Xasuuq baa socda.”

Duqa Laascaanood ee Somaliland oo hore u taabacsanaa Somaliland, ayaa wuxuu ugu baaqay ciidamada Somaliland inay isaga baxaan magaalada Laascaanood.