Wararkii ugu dambeeyay Dagaal maalintii saddexaad ka socda Magaalada Laascaanood

Magaalada Laascaanood

Laascaanood (Aftahannews)- Magaalada Laascaanood ee xarrunta gobolka Sool, ayaa waxaa Maalintii Saddexaad oo Xidhiidh ah ka socda dagaal aad u xoogan.

Dagaalka, ayaa u dhexeeya Ciidamada Qaranka ee Somaliland iyo maleeshiyo-beeleed u dhashay deegaanka oo ka amar-qaata Garaaddada ku sugan magaaladaas.

Isku-dhacan Hubaysan, ayaa bilaabmay subaxnimadii Isniintii dorraad kaddib markii malleeshiyaadku weerar ku soo qaadeen Ciidamada Qaranka ee ku sugan Laascaanood oo isla maalintaas ay go’aamo ka soo baxeen Shir muddo toddobaad ah magaalada uga socday.

Waxa Dagaalka Ka Dhashaykhasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaadhay Ciidamada Qaranka, Maleeshiyaadka dagaalamayey iyo dad shacab ah oo wax ku noqday hubka lays weydaarsanayey.

War Qoraal kooban oo Saaka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somaliland, ayaa lagu sheegay in malleeshiyo-beeleed ku sugan magaaladu magaalintii saddexaad weerar ku soo qaadeen fadhiisimada Ciidamada Qaranka ee duleedka Laascaanood, taasina sababtay inuu saaka mar kale dagaal ka dhaco magaalada Laascaanood oo inteeda badan haawanaysa kaddib markii ay dadkii shacabka ahaa ka qaxeen magaalada oo gabbood u noqotay malleeshiyo-beeledd Huwan ah oo isku urursaday.

“Maalintii saddexaad oo xidhiidh ah ayey Kooxaha argagaxisadu weerar ku soo qaadeen xeryaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo ku sugan fadhisimada Ciidamada, waxa aanay ciidamadu ku jiraan difaac,” sidaas ayaa lagu sheegay qoraal kooban oo lagu baahiyey baraha bulshada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.

Dhinaca kale, war shalay ka soo baxay Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka, ayaa lagu sheegay in dagaalka lagu qabtay maxaabiis isugu jira Dadka Deegaanka oo la marin-habaabiyay, xubno ka tirsan Kooxaha Argagixisada ah iyo Askar ka tirsan Ciidamada la-dagaalkanka Argagixisada ee maamul-goboleedka Puntland ee PSF oo hubka iyo maal-gelinta ka hela Dowladda Mareykanka.