Agaasimaha Wasaaradda Ganacsiga Somaliland oo Kormeeray Goobaha Diiwaangelinta Degmada Balli-Cabane

Balli-Cabane (Aftahannews) – Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ee Somaliland Cabdirashiid Ibraahim Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa waxaa uu kormeer shaqo ku tagay Degmada Balli Cabane.
Agaasimaha, ayaa ujeedka safarkiisu la xidhiidhay sidii uu ugu kuur geli lahaa sida ay Degmadaasi uga socoto Diiwaangelinta Codbixiyayaasha.
 
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland Cabdirashiid Ibraahim Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa mid mid u kormeeray goobaha ay ka socoto Diiwaangelintu ee degmadaasi.
 
Waxaanu agaasimuhu kulamo la qaatay dadweynaha kala duwan ee Degmada Balli Cabane oo safaf dhaadheer ugu jiray sidii ay isku Diiwaangelin lahaayeen.
 
Agaasimaha, ayaana Dadweynaha Degmada Balli Cabane ugu baaqay inay si weyn isku Diiwaangeliyaan, islamarkaana ay ka faa’iidaystaan fursada Diiwaangelinta.
 
Si kastaba, Degmada Balli Cabane iyo Guud ahaan gobolka Hawd waxaa si habsami leh uga socota Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha, iyadoona Muddo Lix Maalmood oo kali ahi, ka hadhsan tahay dhamaadka Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo ku eeg 26 January 2023.