(Safiirka,Ethiopia, ee Somalia, Abdifatah Abdulaahi Hasan oo Xaflad, Sabootina, loogu qabtay, Muqdisho (Sawiro iyo Qoraal)

Xafladan oo ahayd mid ay soo qaban qabiyeen Diblumaasiyiin Aqoon yahanno  Wasiiro  Xilbaano ka tirsan Barlamaank Somalia oo ay Ka soo qayb galeen Wasiirka Wasaarada Gadiidka iyo Duulista hawada Xukuumadda Faderalka Somalia Xil Fardawso Cismaan Cigaal Wasiiru’dawlaha Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista hawada XFS Xil maxamed  cali cumar (Cananuug) Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista hawada Somalia Sulub Axmed Fidhin Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Arimaha Gudah Faderalka iyo Dib u heshijsta Somalia Wasiiru Dawlaha Ganacsiga Somalia xildhaabanad Labada Gole Ee Somalia Qaar ka mid ah Wasiirada Heer Dawlada Goboleed
Ayaa ka dhacaday Garoonka Diyaaradaha Aden Cadde international Airports Muqdisho.

Ugu horay Waxa si kooban uga hadlay Tariikhdiisa Shaqo Madaxa Xafiiska Warbaahinta iyo xidhiidhka Dadwaynaha Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista hawada Somalia Mohamed abdi osman (faradheere)
Waxa uuna yidhi  Ambassador Cabdifatah Abdulaahi hasan waxa uu siyaasada Ethiopia  Ku soo biiray 1997 Cabdifataax Sheekh Cabdulaahi yare, Markii uu jaamacadaha Heerka koobaad iyo labaad ka qalinjabiyay, wuxuu toos ugu biiray hogaaminta Siyaasadeed ee Ethiopia,
Xilkii ugu horeeyey uu qabto wuxuu ahaa maareeyaha machadka maaraynta.
Waxaa dabeed loo magacaabay, wasiirka Waxbarashada DDS
Wuxuu noqday gudoomiyihii ugu dada yaraa ee qabta xilka xisbigii hayn jiray Talada DDS ee la odhan jiray,Xisbiga demoqraadiga shacabka Soomaalida Ethiopia,wuxuu Noqday wasiirka kobcinta awoodda Shaqaalaha Ee DDS,
Waxa uu ahaa Muddo dheer Xildhibaan ka Tirasanaa barlamaanka Degaanka waxaana Uu ku lahaa Saamayn wayn dhanka Siyaasada Deeganka Somaliada.
Kadib wuxuu u gudbay heer Federal,
Wuxuuna noqday Wasiirka shaqada iyo Arimaha Bulshada Dawlada Dimoqraadiga F  Federaaliga Ethiopia markaas Wasiirka shaqada loo dhiibay waxa uu ahaa Wasiirka Ugu dada yaraa abid oo Ethiopia ka dhibto Wasiir Tirsiga Ethiopia inta la xasuusto.
Waxaana kale oo uu jagooyin sar sare ka Qabtay dawlada Dhexe.
Cabdifataax oo haystay tababarroa! Diblumaasiyadeed oo dheeri ah awgeed,
Waxaa loo badalay Wasaarada arimaha dibada iyadoona loo magacaabay Safiirka Dalka Ethiopia u fadhiyay Dalka Kuwait,
Kadibna Ambassador Cabdifatax Soomaaliya waa  dalkii Labaad ee uu ku matalayo Ethiopia. Iyada Waqtigaa Waraaqaha  aqoonsiga laga gudoomay ahayd 4 bihii 5 2021oo ka Gudoomay Madaxwaynihii Hore Ee Somalia Mohamed Abdullah farmaajo   Sanadka 2023 oo Dalka Madaxwayne ka yabay Xasan shekh maxamuud waxa safiirka u dhamaatay shaqadii diblumaasiyaded ee Somalia uu ka hayey.

Maxay ku sifeeyeen Ambassador ka Masuuliyiintii Hadashay oo ay Ugu horayso Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista hawada XFS Xil Fardawso Cismaan Cigaal?

Wasiiradii iyo Xildhibaanadii Goobta ka hadlay ayaa cadeeyey mudadii koobanayd ee uu joogay Somalia uu waxbadan Somalia ku garab istaagay dhanka isgaashiga dhaqaalaha Siyaada, amniga, iyo xoojinta Xidhiidhka labada wadan oo Gaadhay meeshik ugu saraysay Ethiopia iyo Somalia.
Amba abdifatah ayaa dhalasha ahaan ka soo jeeda Degaanka Somalida Ethiopia  waana sababtaa ayey yidhaahdeeb u nooga dhaw yahay Safiirada kale sidaa Waxa yidhi Masuuliyiintii ka hadlayeey Madasha.

Muxuu ka yadhi Xafalada Safiirku?

 

Ambassador Cabdifatax shekh Cabdulaahi Safiirka Dawlada Ethiopia u fadhiya Somalia ayaa dhankiisa mahad celin Balaadhan ujeediyey Dawlada iyo Shacabka Somaliyeey oo uu kutilmaamay Wadankiisa labaad isaga si aada ugu mahad celiyey Madaxwaynaha Dawlada Faderalka Somalia sida wanaagsan ee uu ula shaqeeyey Mudadii yarayd ee xilka hayey ka dib isbadalkii kadhacay Somalia ee Madaxwaynaha Dalka loogu doortay Mudane Xasan shekh maxamuud hogaanka Dalka.

(✍️)Mohammed Abdi Osman Faradheere
Madaxa Xafiiska Warbaahinta iyo xidhiidhka Dadwaynaha Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista hawada Xukuumadda Faderalka Somalia.

(Sawiro)