Itoobiyab oo Dayax-Gacmeedkii Saddexaad u diraysa Hawada Sare

Addis Ababa (Aftahannews)- Machadka Teknooloojiyadda iyo Hawada sare ee dalka Itoobiya, ayaa sheegay inay Dayax-gacmeedkii seddexaad hawada sare u dirayaan.

Ku xigeenka machadka Dr Yeshurun Alamayehu, ayaa sheegay in Dayax-gacmeedkan seddexaad oo lagu magacaabo ETRSS-2 si la mid ah labadii Dayax-gacmeed oo ka horreeyey uu ku wareegayo dhulka si ay macluumaad uga soo uruuriso.

Dayax-gacmeedkann, ayaa wuxuu kuwii hore uu kaga duwan yahay waxay soo direysaa sawirro iyo muuqaallo ka nadiifsan kuwii hore.

Dayax-gacmeedkan cusub wuxuu gacan ka geysanayaa daraasaadka iyo xog uruurinta la xidhiidha Beeraha, Macdanta, Ilaalinta Deegaanka, Ilaalinta cimilada iyo kheyraadka dhulka daraasaadka la halmaala.

Sameynta Dayax-gacmeedkan waxaa iska kaashaday aqoon yahanno u dhashay dalka Itoobiya iyo kuwa u dhashay dalka Shiinaha.

Itooboya waxay hore hawada sare ugu dirtay Dayax gacmeedyada kala ah ETRSS-1 iyo ET-Smart-RSS.