Kulan dhexmaray Guddigii Madaxweyne Biixi u magacaabay arrimaha Magaha iyo Qoomaha

Hargeysa (Aftahannews)- Guddigii farsamo ee Wasiirada ee Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi u magcaabay soo diyaarinta Qoomaha iyo Magaha dowladdu bixinayso, ayaa saaka yeeshay kulankoodii ugu horeeyay.

Kulankan oo ka qabsoomay xarunta wasaaradda arrimaha Gudaha, ayaa waxaa shir-guddoominayay Wasiirka wasaaradda arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed.

Guddigan farsamo ee loo xil saaray soo diyaarinta Qoomaha iyo Magaha dowladdu bixinayso, ayaa Madaxweynaha Somaliland ku magcaabay Shirkii Golaha Wasiirada ee Khamiistii qabsoomay.

Kulankan saaka ayay Guddigu ku magcaabeen guddi farsamo oo ka hoos shaqayndoonta, qodobadana soo diyaarin doona kuwaasoo kala ah Wasaaradda arrimaha Gudaha, Maxkamadda Sare, Wasaaradda Cadaaladda, Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud, Ciidanka Booliska iyo Maxkamadda Ciidamada.

Guddiga wasiirada ah, ayaa ka kooban Wasiirka Wasaaradda arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Wasaaradda Horrumarinta Maaliyada Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid), Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Cabdirisaaq Albaani iyo Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Salebaan Warsame Guuleed.