Maxaa ka soo baxay Shirkii Golaha Wasiirada Somaliland ee maanta?

Shirka Golaha Wasiirrada Somalialnd
Shirka Golaha Wasiirrada Somalialnd

Hargeysa (Aftahannews) – Shirkii 104aad ee Golaha Wasiirada Somaliland, oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta ka qabsoomay Hoolka Shirarka ee Qasriga Madaxtooyada.

Shirkan golaha Wasiirada, ayaa waxaa laga soo saaray qoddobo xaasaasi ah oo ay ka mid yihiin deeqaha ay dalalka Beesha Caalamku siiyaan Somaliland, shilalka gaadiidka iyo ka ganacsiga daroogada.

Ugu horreyn, shirka waxa war-bixinta amniga ee dalka ka jeediyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane, Maxamed Kaahin Axmed. Sidoo kale, waxa war-bixin ku saabsan dib-u-habaynta Deeqaha Caalamiga ah kasoo jeediyey Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Dr. Axmed Aadan Buuxane iyo Wasiirka Wasaaradda Shaada iyo Arrimaha Bulshada Mudane, Mustafe Maxamuud Cali (Godane).

Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada, Dr. Cabdi-wali Sheekh Cabdilaahi Suufi  ayaa isna  ka war-bixiyey halka uu marayo nidaamka casriga ah ee Xafiisyada Dawladdu ku shaqeeyaan ee loo yaqaanno  E-Government.

Dhagaysiga War-bixinahaas, falaqayn iyo dood ka dib, waxa Golaha Wasiirrada ka soo baxay qodobbadan:

1. Waxa guddi kooban oo Wasiirro ah loo xil-saaray in ay talo-bixin urursan ka soo diyaariyaan qorsheyaal lagaga hortagayo, laguna yaraynayo ama lagu cidhib-tirayo, shilalka gaadiidka, isticmaalka iyo ka ganacsiga daroogada iyo dhaqan-xumada.

Sidoo kale, waxyaabaha la xusay waxa mid ahaa in horumarka lagu sameeyey waddooyinka; hadday tahay kuwo cusub iyo kuwo la dayactirayba ay qayb ka noqdeen korodhka shilalka gaadiidka. 21-kii maalmood ee u dembeeyey oo keliya waxa dalka ka dhacay 114 Shil-gaadiid (Boqol iyo Afar iyo Toban). Waxa ku geeriyooday 17 Qof, halka ay ku dhaawacmeen 196 Qof.  

2. Waxa guddi kooban oo Wasiirro ah loo xil-saaray in ay dib-u-habayn ku soo sameeyaan Deeqaha Caalamiga ah ee la soo gaadhsiiyo Jamhuuriyadda Somaliland.