Dowladda Kenya oo War Ka Soo Saartay Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya

Nairobi (Aftahannews) – Dowladda Kenya, ayaa waxaa ay markii ugu horaysay ay warka soo saartay Wada-hadallada la filayo inay dhexmaraan Dowladdaha Somaliland iyo Soomaaliya.

La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha dalka Kenya, Monica Juma oo qoraal ku baahisay barteeda Twitter-ka, ayaa sheegtay in dowladda Kenya ay soo dhaweynayso sida ay Dowladdaha Somaliland iyo Soomaaliya uga go’an tahay inay sii amba-qaadan wadada wada-hadallada.

Monica Juma, ayaa sidoo kale qoraalkeeda ku sheegtay in hoggaamiyeyaasha labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya isku raaceen in dib loo bilaabo hannaanka wada-hadallada dib loogu bilaabayo.

“Waxaan soo dhaweyneynaa sida ay uga go’an tahay dhammaan dhinacyada inay sii wadaan waddada nabadda waarta. 8dii Diseembar, Hogaamiyeyaasha Somaliland iyo Soomaaliya, waxay ku heshiiyeen dib u furida hannaanka dib u heshiisiinta,” ayay tidhi Monica.

Has yeeshe waxa jira shuruudo ay dowladda Somaliland ku xidhay Wada-hadallo dhexmara dowladdaha Somaliland iyo Soomaaliya, si ay miiska wada-hadallada ula fadhiisato Soomaaliya.

“Somaliland waxay ku adkaysanaysaa hanaan iyo laba dowladood ah. Sababtoo ah waxaan ahayn laba dowladood oo xor ah oo si iskood u midoobay 1-dii June, 1960-kii. Waxaa intaas dheer, Somaliland waxay 31-kii sannadood ee u dambeeyay ahayd dowlad madaxbannaan oo ku naaloonaysa nabad iyo xasillooni. Muddadaas, Somaliland waxay hirgelisay dhowr doorasho oo xor iyo xalaal ah. Waxaa ka dhacay shan xil wareejin madaxweyne oo nabad ah. Waxaa saddex ka mid ah loo maray doorashooyin toos ah.”

Sidoo kale waxa kamid ah shuruudaha Somaliland ku xidhay dib u bilaabista in dhamaan heshiisyadii hore u gaadheen dhinacyadu loo fuliyo si deg deg ah, helitaanka hannaan dhex-dhexaadin caalami ah oo dammaanad qaadaya natiijada wada-hadalka iyo inay jiraan mabaadi’ muhiim ah & xeer hab-dhaqan oo saldhig looga dhigayo wada-hadallada.

“Waa inuu jiraa ajande muhiim ah oo wax ka qabanaya arrimaha udub-dhexaadka u ah khilaafka u dhexeeya dhinacyada. Sidoo kale waa in wada-hadalku uu lahaadaa wakhti xaddidan.”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan sheegay inay ka go’an tahay in dib loo billaabo wada-hadallada dowladdaha Somaliland iyo Soomaaliya.