Olole dhiig bixin ah oo Muqdisho ka socda

Muqdisho (Aftahannews)- Magaalada Muqdisho, ayaa dadweyne fara badan waxaa ay u galeen safaf isbitaalada, si ay dhiig u bixiyaan.

Tani, ayaa ka danbeysay kadib markii shacabka laga dalbaday inay dhiig bixiyaan, maadaama isbitaalada aanay haynin dhiig ay ku shubaan dhaawaca faraha badan ee la soo gaadhsiiyay.

Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa ka codsadey dadweynaha inay ku deeqaan dhiig, si loo badbaadiyo dadka dhaawaca ah ee deg degga ah u baahan dhaawacyada.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, ayaa sidoo kale iyana ku deeqay dhiig.