Odowaa oo Somaliland iyo Puntland ka dalbaday arrin la xidhiidha Al-Shabaab

Hargeysa (Aftahannews)- Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) oo mar soo noqday Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya, ayaa ka hadlay abaabulka dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee hadda ka socda Soomaaliya.

Waxaanu xildhibaanku fariin dheer u diray Somaliland iyo Puntland, kaasi oo ku aadan dagaalka ay Soomaaliya kula jirto kooxda Al-shabaab.

Odowaa, ayaa shaaca ka qaaday in loo baahan yahay in loo midoobo dagaalka lagula jiro kooxda Al-shabaab, si loo wajaho, loogana saaro guud ahaan Soomaaliya.

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata, ayaa shaaca ka qaaday in guud ahaan dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay gurmad iyo inay toos uga qayb qaataan dagaalka ay wado dowladda Soomaaliya, isaga oo farriin u diray Somaliland Puntland.

Xildhibaanka, ayaa sidoo kale ugu baaqay Somaliland iyo Puntland inay garab istaag u muujiyaan dadka shacabka ah ee la dagaalamaya Al-Shabaab, isaga oo ka codsay in hub iyo ciidan ay u soo diraan deegaanada lagula dagaalamayo kooxda Al-Shabaab.