Somaliland: Harii-macadyo la Doonayey in la Dhoofiyo oo la Qabtay

Qori-lugud (Aftahannews)- Maamulka Degmada Qori-lugud ee Gobolka Togdheer oo kaashanaya Ciidanka Qaranka ee ku sugan degmadaasi, ayaa soo bad-baadiyay seddex Harii-macad oo deegaankaas lagu kala iibsanayay.

Dedaal iyo hawl-gal adag oo ay galeen waxay ciidanku ku guulaysteen in ay gacanta ku soo dhigaan saddexdaasi harii-macad oo dhalo ah oo hooyadood laga soo hoos qaaday.

Seddexdan Harii-macad, ayaa waxaa la qorshaynayay in Somaliland laga saaro.

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Somaliland, ayaa iyaduna si deg deg ah uga hawl-gashay sidii loo soo badbaadin lahaa saddexdaas harimacad, ayna u heli lahaayeen xanaaneyn si ay uga baaqsadaan in aanay u dhiman daryeel la,aan.

Waxaana seddexdan Harii-macad ee la rabay in dalka laga saaro, ayaa la soo gaadhsiiyay xarunta lagu daryeelo xayawaanka harii-macadka ee magaaladda Hargeysa.

Somaliland, ayaa waxaa ay hore qalinka ugu duugtay xeerarka daryeelka iyo ilaalinta duurjoogta isla markaana ay ayiday shan qaraar oo caalamiya oo uu ka mid yahay xeerka ilaalinta duurjoogta Afrika.

Si kastaba, Somaliland, ayaa waxaa si weyn ugu soo badanaya ugaadhsiga lagu hayo xayawaanka Harii-macadka, iyadoona Maxkamaddaha Somaliland ay hore xadhig iyo ganaax lacageed ugu rideen rag lagu helay dambi ah inay si sharci darro ah uga dhoofinayeen dalka Harii-macadyo.