Weerar lagu qaaday Saldhiga Ciidanka Ruushka iyo wararkii ugu dambeeyay xiisadda

Kyiv (Aftahannews)- Wasaaradda Gaashaandhigga ee Ruushk,a ayaa sheegtay in rag hubeysan ay 11 qof ku toogteen goob ciidamada Ruushka lagu tababaro, waana dhirbaaxadii ugu dambeysay ee soo gaadhay ciidamada madaxweyne Vladimir Putin tan iyo markii ay duullaanka ku qaadeen Ukraine.

Wakaaladda wararka ee RIA oo soo xiganaysa wasaaradda gaashaandhigga, ayaa sheegtay in 15 kale ay ku dhaawacmeen toogashada oo Sabtidii ka dhacday gobolka Belgorod ee koonfur-galbeed Ruushka, kuna yaalla xuduudda Ukraine markii ay laba nin oo hubeysan ee weerar ku toogteen koox si mutadawacnimo ah isugu diiwaangeliyey in ay ka qeybgalaan dagaalka socda.

Waxa ay sheegtay in labada nin ee toogashada gaystay oo ka soo jeeda jamhuuriyad ka tirsanaan jirtay Midowgii Soviet oo ayna magacaabin iyana toogasho lagu dilay.

Qaar ka mid ah warbaahinta madaxa-banaan ee Ruushka, ayaa warinaya in tirada dadka dhaawaca ah ay ka badan yihiin tirada ay dowladdu sheegtay.

Guddoomiyaha gobolka Belgorod Vyacheslav Gladkov, ayaa saaka sheegay sida uu hadalka u dhigay in dhacdo xannuun badan lala beegsaday cutub ka tirsan ciidamada.

Waxa uu sheegay in ciidamo ay ku dhinteen kuwa kalana ku dhaawacmeen weerarka, isaga oo intaa ku daray in ayna jirin dad rayid ah oo waxyeelo ka soo gaadhay.