Xukuumadda Somaliland oo Dhagax-dhigtay Aagga Warshadaha

Hargeysa (Aftahannews)- Wasiirka Wasaaradda horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Somaliland Cabdilaahi Cabdiraxmaan Aare iyo xubno kale oo ka tirsan golaha wasiirada, ayaa maanta dhagax dhigay Aagga warshadaha ee magaalada Hargeysa.

Waxa dhagax dhiga munaasibadaasi goob joog ka ahaa, wasiiradda maalgashiga, arrimaha gudaha, maaliyada, deegaanka, hawlaha guud, ganacsiga, guddoomiyaha baanka dhexe, agaasimaha guud ee wasaaradda maalgashig iyo duqa caasimada Hargeysa.

Ugu horayna waxa madashaashi ka hadlay Agaasimaha Guud ee wasaarada Horumarinta Maalgashiga Maxamed Cismaan Siciid oo faahfaahiyay Qorshaha loo diyaariyay warshadlayda iyo Maalgashadayaasha ganacsi ee ku hamiyaya Aas aaska warshadaha.

“Waxa ay fursad weyn u tahay warshadlayda somaliland iyo maalgashadayaasha raba in ay waddanka warshado ka samaystaan in la helo dhul warshadaha u gaar ah oo lasiinaayo warshadlayda.

Fursaddan ay wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadahu maanta hirgelisay dhagaxdhigeeda waxa ay meesha ka saaraysaa carqalad weyn oo maalgashatada warshadaha ka haysatay helitaanka dhil ku haboon warshadaha” ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda maalgashiga Maxamed Cismaan Siciid.

Sidoo kale, Wasiirada Wasaaradaha Horumarinta Deegaanka Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baadare, Wasiirka wasaarada Ganacsiga Maxamuud Sacad Saajin,Wasiirka Wasaaradda Halaha guud guryaynta iyo Dhulka Cabdillaahi Abokor Cismaan, Wasiirka Maaliyada Dr.Sacad Cali Shire, Wasiirka Arimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed oo hadalka isaga dambeeyay, ayaa bogaadiyay hawsha ay qabatay wasaarada horumarinta Maalgashiga iyo warshadaha.

Waxaanay ka warameen wada shaqaynta waajibaadka ka dhexeeya wasaaradahooda iyo wasaarada maalgashiga iyo warshadaha ee ku aadan Qorshaha Aaga Warshadaha Caasimada Hargeysa.

Waxaa sidoo kale Wasaaradda horumarinta Maalgashiga iyo warshaduhu maanta u aqoondaysay maalinta u warshadaha Somaliland 9/10/2022.

Waxaa dedaallada ay wado wasaaradd horumarinta Maalgashiga iyo warshaddaha ka mid ah in inta sanadka ka hadhsan la dhamaystiro qoondaynta aagga warshadaha intabadan gobollada Somaliland.

Ugu dambayn Wasiirka wasaaradda horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Cabdillaahi Cabdiraxmaan Aare oo madasha hadal ka jeediyay, ayaa ka waramay sida wasaaradu ay isaga xil-saartay diyaarinta Aaga Warshadaha, isagoo u mahadnaqay Maayirka Caasimada Hargeysa iyo Wasaaradihii kala duwanaa ee kala shaqeeyay diyaarinta dhulka Aaga Warshadlayda.