Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay Dishay Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab

Balcad (Aftahannews)- Warar dheeraad, ayaa ka soo baxaya dagaalo culus oo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray Tuulada Muryaale oo u dhaxeysa deegaanka Basra iyo degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

Dagaalka, ayaa la soo wariyay inuu ahaa mid aad u xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, kaasoo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaadhay labada dhinac oo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin inta uu dhan yahay khasaaraha kala gaadhay dhinacyada dagaalamay.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Cabdikaamil Shukri Macalin, ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku dileen dagaalka ka dhacay Tuulada Muryaale 19 ka mid ah dagaalamayaasha Al-shabaab oo uu sheegay inay halkaasi isku aruursanayeen.

“Ciidanka Dowladda ayaa 19 dhagar qabe oo ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab ku dilay Tuulada Muryaale oo u dhaxaysa Basra iyo Balcad, kadib markii maleeshiyaad Argagixiso ah ay xalay isku soo aruursadeen tuuladaas, Ciidamada oo helay xogta Argagixisada ayaa waday roondo xiliga uu dagaalku dhacay, waxaana ciidamadu ay wali ku raad joogaan firxadka Argagixisada” ayuu yidhi Afhayeenka Wasaaradda Amniga Cabdikaamil Shukri Macalin.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga ma aanu sheegin in khasaare uu dhankooda kasoo gaadhay dagaalka ka dhacay Muryaale, waxaase wararka soo baxaya ay sheegayaan inuu jiro khasaare soo gaadhay dhanka ciidanka dowladda, islamarkaana uu dhaawacmay Taliyaha Nabadsugida degmada Kaxda ee gobolka Banaadir oo lagu magacaabo Xasan Fanax iyo Askar kale oo ka tirsan ciidanka Soomaaliya.

Qeybaha kala duwan ee ciidamada dowladda Soomaaliya, ayaa mudooyinkii dambe howlgalo culus ka waday inta u dhaxeysa Balcad iyo Basra, waxaana Jimcihii la soo dhaafay qarax ka dhacay deegaanka Basra ee gobolka Shabeellaha Dhexe lagu dilay Allah u naxariistee Taliyihii ciidanka Booliska gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Aadan Qaroole.