Madaxweyne Biixi oo War ka soo saaray Doorashooyinka iyo Muddo Kordhinta

Hargeysa (Aftahannews)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxaa uu sheegay in xukuumaddu soo dhawaynayso muddo kordhinta iyo in doorashooyinka loo qaban doono sida ugu dhakhsaha badan, Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland.

Wasaaradda arrimaha dibadda, ayaa qoraalka ay soo saartay ku sheegtay in uu ka soo baxay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, isagoona bay tidhi uu madaxweynuhu ku sheegay in ay ka go’antahay in uu doorashooyinka u qabto sida ugu dhakhsaha badan.

Qoraalka wasaaradda, ayaa sidoo kale lagu sheegay in uu madaxweynuhu soo dhawaynayo go’aanka golaha Guurtidu wakhtiga ugu kordhisay, si nidaamka dowladeed u sii socdo inta laga qabanayo doorashooyinka.

Sidoo kale, qoraalka, ayaa lagu sheegay in uu Madaxweynuhu tilmaamay in wadahadalada la siin wayo axsaabta siyaasada, isaga oo rajo ka qaba in horumar laga gaadho, oo la wada horumariyo nidaamka dimuquraadiga ah.

Qoraalka, ayaa geesta kale lagu sheegay in Somaliland ay hore u soo qabatay doorashooyin hal qof iyo hal cod ah, iyadoo caalamku uu korjoogtaynayay, isla markaana hay’addaha dimuquraadiga ah ee Somaliland ay yihiin qaar adkaysi leh oo madaxbannaan.