Mareykanka oo ka hadlay Duqayn lagu Dilay Sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab

Muqdisho (Aftahannews)- Taliska ciidanka Mareykanka ee Afrika, ayaa ka hadlay duqeyn cirka ah oo lagu qaaday Al-Shabaab, taasoo ka dhacday meel u dhow degmada Jilib, oo qiyaastii 370 KM dhanka Koonfur Galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho.

Qiimeynta bilowga ah ee taliska Mareykanka, ayaa ah in duqeynta lagu dilay horjooge ka tirsan Al-Shabaab iyo in ayna jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay.

Dowladda Mareykanka ma sheegin magaca sarkaalka lagu dilay duqaynta, balse waxay sheegtay inay macluumaad dheeri ah soo saari doonto. Balse, dowladda federalka Soomaaliya ayaa hore u sheegtay in duqayntan ku dishay madaxii dacwada Al-shabaab Cabdullaahi Nadiir.

Taliska Mareykanka ee Afrika, oo ay weheliyaan la-hawlgalayaasheeda, ayaa sheegay inuu sii wadayo tillaabooyinka lagaga hortagayo Al-shabaab oo qorsheynaya weeraro ka dhanka ah dadka rayidka ah.

Dowladda Mareykanku waxay sheegtay inay sii wadi doonto tababarada, la-talinta, iyo qalabeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaaliya si ay u wiiqaan Al-Shabaab.