Fallaagada Tigray oo isaga baxay Gobolka Amxaarada

Ciidamada Tigray

Mekelle (Aftahannews)- Fallaagada Tigray, ayaa sheegay inay isaga baxeen deegaanno ka tirsan gobolka Amxaarada oo ay haysteen muddo ka badan bil.

Bayaan laga akhriyay teleefishinka Tigray, ayaa sheegay in sababta ay ciidamada TPLF isaga baxeen halkaas ay tahay inay u wareegaan goobo kale si ay ‘u xoojiyaan dagaalka ka dhanka ah ciidamada Itoobiya iyo xulufadooda Eritrea’.

Dowladda Itoobiya weli kama ayna hadlin arrintani.

Sawirro lagu qaaday Satellite-ka, ayaa muujinayay ciidamo badan iyo saanad milateri oo lagu uruurinayo xadka Itoobiya uu la wadaago Eritrea.