Golaha Wakiillada Somaliland oo ka jawaabay xeerarkii Guurtidu ku soo celisay

Hargeysa (Aftahannews)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa waxaa uu jawaab kulul ka bixiyay xeerarkii guud ee doorashooyinka iyo xeerka nidaamka urrurada iyo axsaabta siyaasada ee golaha Guurtidu dib u soo celisay.

Cabdirisaaq Khaliif, ayaa waxaa uu Guddoomiyaha golaha Guurtida ugu baaqay in uu xeerarka doorashooyinka ee ay soo celiyeen uu hor dhigo shir-guddoonka golaha Guurtida.

 

Guddoomiye Khaliif, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in soo celinta xeerarka doorashooyinka ee golaha Guurtidu ay dib ugu soo celiyeen Wakiilladu, aanay ahayn mid leh aasaas sharci.

Waxa uu Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan u soo jeediyay in uu ixtiraamo dastuurka isla markaana uu xeerarkan wax ka badalka lagu sameeyay uu hor dhigo gole waynaha Guurtida si ay cod ugu qaadaan.

Hasse yeeshee, Shirguddoonka golaha Guurtida, ayaa Isniintii shalay golaha Wakiillada dib ugu soo celiyay xeerarka kala ah, Xeerka Guud Ee Doorashooyinka Somaliland Xeer Lr 91/2022 iyo  Xeerka Nidaamka Urrurada iyo Axsaabta Siyaasada ee Xeer Lr 14/2011.

Xeerarkan oo golaha Wakiilladu wax ka badal iyo kaabis ku sameeyay, ayaa la filayay in Guurtidu ay cod ku aqbasho ama ku diido, lakiin Guddoomiye Saleebaan, ayaa sheegay in xildhibaano ka badan kuwii xeerka meel mariyay ay dacwad usoo gudbiyeen sidaana uu dib ugu celiyay.

Hoos ka akhriso qoraalka Guddoomiyaha golaha Wakiilada:-