Hargeysa (Aftahannews)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxa uu maanta wareegto Madaxweyne, ku magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland.
Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa waxaa uu xilkan u magacaabay Naasir Caydiid Maxamed oo hore u ahaa Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladdaha Hoose.
Sida lagu sheegay wareegtay ka soo baxday madaxtooyada Somaliland, waxaanay u dhignayd sidan:-
WAREEGTO MADAXWEYNE: 24 /09/2022.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-942/092022, ku magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland. (Beddel) hore u ahaa Wasiir Ku xigeenka Arrimaha Gudaha ee Dawladdaha Hoose.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Ujeeddo: Magacaabid.
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid
Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;
Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi;
Waxaan Go’aansaday;
In Mudane, Naasir Caydiid Maxamed Faarax laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland.