Milateriga Soomaaliya oo Dilay 30 ka tirsan Ururka Al-shabaab

Muqdisho (Aftahannews)- Dowlada Soomaaliya, ayaa sheegtay inay dishay ugu yaraan 30 ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab, kadib howlgal ay ciidamada milaterigu ka fuliyeen deegaanka Aboorrey oo 25-kiilo mitir dhanka bari kaga beegan degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan.

Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta dowladda Federaalka, shan askri oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya, ayaa dhaawacyo ka soo gaadheen dagaalkan.

“Ciidanka Xoogga dalka ayaa xalay abaaro labadii habeenimo saq dhexe dagaal kula galay Maleeshiyaadka Argagixisada Al-Shabaab deegaanka Abooreey, ciidanka xoogga dalka oo sii hayay xogta dhagarta Argagixisada ayaa gaadhsiyay jab xoog leh, iyada oo dhanka kale ay dhaawacyo soo gaadheen shan askari oo ka tirsan ciidanka xoogga” ayaa lagu yidhi bayaanka dowladda Soomaaliya.

“Dagaaladii ugu danbeeyay ee ciidanka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo iskaashanaya ay la galeen Argagixisada waxaa lagu dilay in ka badan 150 dhagar qabeyaal Al-Shabaab ah, waxaana laga saaray deegaanno badan oo Argagixisadu ay ku gumaadi jireen shacabka.” ayuu raaciyay bayaanka dowladda.

Maalmihii ugu dambeeyay, waxaa ciidamada milateriga Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaan Macowsleyda ay dagaallo xooggan kula jireen maleeshiyada Al-shabaab ee gobollada Hiiraan iyo Galguduud.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhaawaan iclaamiyay dagaal ka dhan maleeshiyada Al-shabaab, kaas oo uu ku sheegay in Soomaaliya lagaga sifeynayo.