Shirweynihii Urur Siyaasadeedka Barwaaqo oo la soo Gabogabeeyay

Hargeysa (Aftahannews)- Shirweynihii 1aad ee urur siyaasadeedka Barwaaqo oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ka socday magaalada Hargeysa, ayaa maanta si rasmi ah loo soo gabogabeeyay.

Shirweynahan, ayaa waxaa hadalo ka jeediyay ergooyinkii ka soo qayb galay shirweynaha ururkaasi, iyadoona ergada shirku ay doorteen guddoonka ururka hoggaamin doona.

Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Barwaaqo Dr. Maxamed Cabdi Yuusuf (Gaboose) oo madasha shirka hadal ka jeediyay, ayaa waxaa uu sheegay in urur ahaan ay aaminsan yihiin Somaliland oo xor ah, nadabgeliyo ah oo la ictiraafay, islamarkaana jaarkiisa nabad la ah, oo caalamka la tartama.

Waxaanu yidhi, “Anaku waxaan aaminsanahay dalkan oo xor ah, dalkan oo nabadgalyo ah, dalkan oo la ictiraafay, dalkan oo jaarkiisa nabad la ah, dalkan oo caalamka la tartamaya baan aaminsanahay.

      

Hoos ka daawo muuqaalka