Dagaal-yahanada Tigray oo lumiyey gacan ku heynta magaaalo muhiim ah

Mekelle (Aftahannews)- Taliyaha ciidamada Tigreega ee ku sugan waqooyiga Itoobiya, ee ay dagaalladu aafeeyeen, ayaa sheegay in dagaalyahannadiisu ay lumiyeen gacan ku haynta magaalo u dhow xuduudka gobolka uu la wadaago dalka ay deriska yihiin ee Eritrea.

Gen. Tadesse Werede, oo la hadlay TV-ga gobolka, ayaa sheegay in ciidamada wadajirka ah ee Itoobiya iyo Eritrea ay qabsadeen magaalada Sheraro.

Labada maamul ee Addis Ababa iyo Asmara, ayaan waxba ka sheegin sheegashadaas, iyo isgaadhsiinta oo go’day ayaa adkeysay in si madax bannaan loo xaqiijiyo.

Sheraro waxay ku taal meel 50km u jirta xuduudka. Tadesse, ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada dowladu ay la wareegeen magaalada Addi Arkay, oo ah magaalo ku taal soohdinta u dhaxaysa Tigray, iyo maamulka koonfurta ay dariska yihiin ee Axmaarada, oo ay gacanta ku hayeen ciidamada Tigreega in ka badan hal sano.

Ciidamada dowladu, ayaa waxa ay wadaan qorshayaal ay kula wareegayaan magaalooyinka Axum, Adigrat, Shire, oo ay galaan Mekelle [caasimada Tigrayg. Tadesse ayaa sheegay in hadafka ugu dambeeya uu yahay “in hubka laga dhigo” ciidamada Tigray.

Dadka Tigreega ah, ayaa wajahaya weerar abaabulan, oo lagu magacaabi karo kii ugu weynaa,” ayuu yidhi. Dowladda Itoobiya ayaa inta badan ka aamustay faahfaahinta dagaalka.

Horaantii todobaadkan, taliyaha guud ee ciidamada difaaca federaalka, Berhanu Jula, ayaa sheegay in ciidamadiisu ay si guul ah u fashiliyeen weeraradii ay bilaabeen ciidamada Tigray, isagoo aan bixin faahfaahin.

Saddex toddobaad, ayaa laga joogaa markii ay dib u soo cusboonaadeen iska horimaadka, iyadoo ay burburtay xabbad-joojin shan bilood socotey.

In kasta oo ay sii kordhayaan dalabyada lagu doonayo joojinta dagaalka, haddana dagaalka ayaa weli halkiisa kasii socda.