Musharraxiin Soomaali ah oo ka qeyb-galaya doorshada Sweden oo maanta bilaabmeysa

Stockholm (Aftahannews)- Dalka Sweden waxaa maanta ka bilaabmeysa doorashooyinka guud ee golayaasha deegaanka iyo kuwa baarlamaanka, waxaana ku tartamaya xisbiyo dhowr ah.

Musharrixiinta tartamaysa, ayaa waxaa ka mid ah dad asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya oo haysta dhalashada dalkaasi Sweden.

Shamso Ali Hassan, oo ka tirsan xisbiga Bidixda ee (Vänster-partiet (left-party), ayaa ka mid ah dhowr qof oo Soomaali ah oo u tartamaya kuraasta doorashada, waana haweeneyda kaliya ee Soomaaliga ah ee xisbigaasi ka tartameysa.

Shamso Ali Hassan, ayaa waxaa ay si qotodheer uga warantay deegaanka ay ka tartameyso iyo xilka ay u tartameyso.