Somaliland: Qodobo ka soo baxay Kulankii Wasaaradda Amniga iyo Waxgaradka Hargeysa

Hargeysa (Aftahannews)- Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa waxaa uu maanta kulan ballaadhan la yeeshay waxgaradka Koonfurta Hargeysa iyo Gobolka Hawd.

Wasiirka, ayaa waxaa kulanka ku wehelinayay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Cabdiqaadir Iiman Warsame, Maayirka Caasimada Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge, Gudoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex Maxamed Cilmi Axmed, Gudoomiyaha Gobolka Hawd Axmed Yaasiin Maxamed Faarax, Xildhibaan Maxamed Xuseen Jaamac Raanboo, Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Jamaal Caydiid Maxamed iyo Xoghaya Fulinta ee Dawladda Hoose, Hargeysa Siciid Nuur, jaamac.

Kulan waxaa sidoo kale ka soo qayb galay Cuqaasha, Waxgaradka iyo xubnaha Golaha Degaanka Gobolka Hawd, kulankan, ayaa ujeedadiisu ahayd sidii loo fidin lahaa Kaantaroolka Baligubadle iyo in dadka shacabka ah laga raro Xeryaha Ciidanka ee Birjeex.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ka waramay muhiimada ay caasimada u leedahay in ay noqoto mid qurux badan oo leh wadooyin  wanaagsan iyo qorshe mustaqbal, dhinaca waxaa goobta ka hadlay Maayirka Caasimada Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge iyo Wasiirka Wasaaradda Horuumarinta Beeraha Cabdiqaadir Iiman Warsame.

Shirkan, ayaa waxaa lagu  go’aamiyey qodobadan hoos ku xusun.

1- In Kaantaroolka Baligubadle la geeyo goobta loo yaqaan Mitirka, iyada oo ay Kaantaroolka la rarayo ay gaadhay Magaaladu, waxaana la isla qaatay in la geeyo goobtaa loo asteeyey ee Mintirka .

2- In dadka degan Xeryaha Ciidanka loo raro Galbeed Qalax, taasoo iyana la isku raaxay.

3- Cuqaasha iyo waxgaradka koonfurta Hargeysa iyo Gobolka Hawd, waxay raali gelin buuxda ka bixiyeen hadalo lagu duray Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin, Maayirka Caasimada Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge iyo Ganacsade Cabdikariim Maxamed Iid.

Ugu danbayntii waxay ballan qaadeen Waxgaradku in ay xukuumadda iyo Maayirka kala shaqaynayaan qodobada la isku afgartay, waxkasta oo ku saabsan horuumarkana ay kala shaqaynayaan Xukuumadda iyo Golaha Degaanka Caasimada.

Magacyada Waxgaradka, Suldaamada iyo Cuqaasha.

  1. Cabdilaahi Cali Xasan.
  2. Maxamed Cali Muuse
  3. Chief Caaqil Baashe Cismaan.
  4. Chief Caaqil Cabdi Faarax Aadan.
  5. Caaqil Cabdiraxmaan Maxamed Aadan
  6. Chief Caaqil Maxamuud Aw Ismaaciil.
  7. Cabdikhaalaq Sh.Axmed Faarax.
  8. Maxamed Xaashi Cabdilaahi
  9. Caaqil Khadar Cawil
  10. Oday Maxamed Cumar Biixi.
  11. Caaqil Farxaan Muxumed Axmed.
  12. Caaqil Cabdilaahi Maxmed Coomay.
  13. Caaqil Mahad Axmed Faarax.
  14. Caaqil Xasan Muuse Cilmi.
  15. Maxamud Maxamed Cige.
  16. Caaqil Xuseen Culaad Jaamac.
  17. Abshir Xasan Xaashi.
  18. Cabdi Muuse Odowaa.

19- Suldaan Xuseen

  1. Suldaan Siciid Hadhiye