Somaliland: Dil Qisaas ah oo lagu Fulisay Dad hore Dilal u geystay

Mandheera (Aftahannews)- Xukuumadda Somaliland, ayaa waxaa ay maanta dil toogasho ah ku fulisay 4 qof oo hore dilal uga geystay Somaliland, kuwaas oo hore xukun maxkamadeed loogu ridday.

Toogashadan qisaasta ah ee lagu fuliyay 4-ta qof, ayaa waxaa ay ka dhacday xabsiga weyn ee Mandheera oo ku yaala gobolka Saaxil.

Afarta qof ee la toogashada qisaasta ah lagu fuliyey waxaa ka mid ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidanka Booliska Somaliland oo hore magaalada Hargeysa ugu dilay gabadh lagu magacaabi jiray Najmo Cabdillaahi Maykal.

Maxkamadda ciidamada Somaliland, ayaa sidoo kale sii daysay nin kale oo shanaad, oo ku jiray liiska toogashada balse laga furay tiirka, kadib markii ay heshiis gaadheen ehelada labada dhinac.

Xubno ka mid ah xukuumadda Somaliland oo goobta ku sugnaa, ayaa farriin adag u diray dadka dambiyada ka geysta dalka Somaliland, iyaga oo sheegay in cid walba oo dil geysata cadaalada la marin doono islamarkaana la geynayo tiirka toogashada.

Si kastaba, xukuumadda Somaliland, ayaa hore sidan oo kale toogasho ugu fulisay dad siyaabo kala duwan dilal uga gaystay dalka, iyadoona 15-kii bishii January ee sanadkii 2020-kii sidan oo kale xabsiga Mandheera loogu toogtay lix nin oo ku eedaysnaa dilal ay geysteen.