Al-Shabab oo Weerar cusub ku qaaday Ciidamada Liyuu Booliska

Yeed (Aftahannews)- Wararka naga soo gaadhaya deegaanka Yeed oo ka tirsan gobolka Bakool, ayaa sheegaya in saldhig ay halkaas ku leeyihiin ciidamada Liyuu Boolis ee dowlad deegaanka ay weerar madaafiic ah ku qaadeen xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Goobjoogayaal, ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen jugta madaafiicda oo qaarkood ku dhacday xerada ciidamada Liyuu Boolis, balse ayna caddeyn karin khasaaraha ka dhashay.

Al-Shabaab oo ka hadashay weerarkaas, ayaa sheegtay inay madaafiicda ay la heleen gudaha xerada, islamarkaana ay khasaare xooggan ku gaadhsiiyeen Liyuu Boolis.

Si kastaba ma jirto cid si madax banana u xaqiijin karta khasaaraha ay sheegteen Al-Shabaab.

Wararka, ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan Ciidamada Liyuu Boolis dhankooda ay madafaiic ku jawaabeen, isla markaana dhowr madfac ay ku tuureen degaannada ku dhow dhow degaanka Yeed ee Gobolka Bakool.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaadhaya degaanka Yeed, ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan.

Weerarkan, ayaa ah kii ugu horreeyey ee Al-Shabaab ay ku qaado Liyuu Boolis kadib dagaalkii xoogganaa ee labada dhinac xuduudda ku dhexmaray dabayaaqadi July iyo horraantii August.

Dagaalkaas, ayaa waxaa ka dhashay khasaare nafeed oo xooggan oo labada dhinac kala gaadhay iyada oo mid walba uu sheegtay inuu ka kale ka dilay boqolaal askari, waxayna Al-Shabaab ku guuleystay inay dhowr boqol oo KM gudaha u gasho Itoobiya.