Nuxurka kulan dhexmaray Wasiir Godane iyo Madaxa Hay’adda ACTED

Hargeysa (Aftahannews)- Wasiirka wasaaradda shaqo’gelinta iyo arrimaha bulshada Somaliland, Mustafe Maxamed Cali Godane, ayaa xafiiskiisa ku qaabiley madaxa hay’adda ACTED ee Somaliland iyo Geeska Afrika  Mr. Rami N.Nicola Al Natour.

Kulankan, ayaa waxa wasiirka ku wehelinayay wasiir ku xigeenka iyo agaasimaha guud iyo qaar ka mida agaasime waaxeedyada.

Kulankan, ayaa ujeedadiisu ahayd dardargelinta wada shaqaynta hay’adda ACTED iyo sidii kor loogu qaadilahaa barnaamijyada taabo galinta ee bulshada looga faa’idaynayo.