Kulamo Garoowe uga socda Xasan Sheekh iyo Deni

Garoowe (Aftahannews)- Kulamo xasaasi ah oo albaabada u laaban yihiin, ayaa magaalada Garoowe uga socday madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Puntland Siciid Deni.

Waxaa aad u adag in xog laga helo kulankan oo muddo ka badan 24saac ka socda madaxtooyada Garoowe, mana jirto cid ku wehlisa kulankooda.

Sida ay wararku sheegayaan, madaxweyne Deni, ayaa diiday in cid kale kulankooda ku wehliso, taasoo keentay inay shirka bannaanka ka joogaan wefdigii madaxweynaha la socday, sida wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Xildhibaan katirsan barlamaanka Puntland, ayaa madaxweyne Deni ku eedeeyay inuu diiday in madaxweyne Xasan Sheekh uu la kulmo bulshada rayidka.

Wararka, ayaa waxay sheegayaan in madaxweynaha Puntland uu ka dalbaday madaxweyne Xasan Sheekh inuu laalo dhammaan xeerarkii dowladdii hore ay meel marisay, kuwaas oo ay Puntland ka hortimid, sida xeerka batroolka.

Xasan Sheekh oo hadda ku sugan Garowe muddo 48 saac weli si rasmi ulama hadlin bulshada. Safarkiisa oo maanta ku eeg, ayaa laga yabaa inuu sii joogo magaalada Garowe tan iyo inta isaga iyo Deni is-afgarad ka gaadhayaan.