Al-shabaab oo 6 Qof ku Toogatay fagaare

Al-shabaab

Awdheegle (Aftahannews)- Ururka Al-shabaab, ayaa lix ruux ku toogatay fagaare ku yaala deegaanka Kuunya barow oo ah deegaan hoostaga degmada Awdheegle ee gobolka Sh/hoose, kuwaas oo ay ku eedeyeen jaajuusnimo.

Lixda ruux ee toogashada ay ku fuliyeen Al-shabaab, ayaa dhamaantood ahaa rag kuwaas oo ay ku sheegeen iney ahaayeen rag jaajuusiin u ahaa dowladda Mareykanka, islamarkaana ay ka dambeeyeen duqeymo lagu dilay saraakiil ka tirsan dagaalyahanada Al-shabaab.

Fagaaraha lagu toogtay lixda ruux, ayaa waxaa ku sugnaa boqolaal ka mid  ah shacabka ku nool deegaanka Kuunyo baroow, kuwaas oo ay Al-Shabaab ku amreen inay u soo daawsho tagaan sida ay u dhacayso toogashadu.

Ragga Al-Shabaab goobta fagaaraha ah ku toogteen oo u badan dhalinyaro, ayaa laga soo qabtay deegaano kala duwan oo ka mid ah gobolada Soomaaliya, waxaana Magacyadooda ay kala yihiin, Aweys Aadan Xassan (Dalabey), Cabdulqaadir Ibraahim Xuseyn (Boqol), Cabdiraxmaan Cabdulle Dhicisow, Cabdalla Nuunow Cabdulqaadir, Maxamad Sheekhey barrow, iyo Xassan Cumar Murjaan oo loo yaqaano (Xassan Garre).

Al-shabaab, ayaa inta badan deegaanada ay ka taliso ka geysata dilalka toogashada noocan oo kale ah ee la xadhiidha toogashada dad ay ku eedeynayaan inay yihiin jaajuusiin la shaqeysa dowladdaha Mareykanka, Kenya iyo Soomaaliya.