Madaxweyne Biixi oo ka hadlay Khilaafka Siyaasadeed iyo Arrinta Doorashada

Hargeysa (Aftahannews)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee dalka ka taagan ee u dhexeeya xukuumaddiisa iyo madaxda xisbiyada mucaaradka iyo arrinta doorashooyinka oo ay isku hayaan labada dhinac.

Madaxweyne Muuse Biixi oo maanta waraysi siiyay telefishanka Horn Cable, ayaa waxaa uu sheegay in uu diyaar u yahay in la dhameeyo khilaafka siyaasadeed iyadoo sharciga loo eegayo.

Sidoo kale, Madaxweynaha oo waxlaga weydiiyay arrinta doorashada ee ku aadan in uu wakhtigeeda ku qabanayso, waxaana uu sheegay in aanu isagu lahayn awooda go’aaminta wakhtiga doorashada lagu qabanayo.

Madaxweynaha, ayaa geeska kale sheegay in uu u ducaynayo shacabka Somaliland, isla markaana uu raali kayahay qofka maamulkiisa dhaliilaya, lakiin loo baahanyahay in dadku ay dulqaad muujiyaan oo markay dhaliil arkaanba aanay cadhoonin.