Xildhibaanada Mucaaradka oo Dhaliilo u jeediyey Madaxweyne Biixi

Hargeysa (Aftahannews)- Xildhibaannada ka soo jeeda xisbiyada mucaaradka Somaliland ee ka tirsan Golaha Wakiilada, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay habkii ciidamada boolisku ula dhaqmeen mudaharaayaasha mucaaradka bannaanbixii maalintii Khamiista ee 11 August.

Xildhibaan Maxamed Abiib, ayaa sheegay in madaxweynaha Somaliland qaldanyahay, isla markaana loo baahanyahay in la saxo, isagoona xukuumada ku eedeeyay in ay sharcigii baal martay.

Xildhibaan Maxamed Abiib, ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in qawaniintii Somaliland ay xukuumadu ka gudubtay, isla markaana ay mudaharaadayaasha gacan kulul kala hortagtay, waxa uu intaa ku daray in dhamaan dadka dhintay ay ku dhinteen dhulkii loo asteeyay in uu mudaharaadku ka dhaco.

Xildhibaan Mustafe Khayreeye oo isna goobta ka hadlay, ayaa sheegay in booliisku aanay mar-marsiiyo ka dhigan karin dhagax ayaa laygu soo tuuray.

Waxaa ay xildhibaannadu sheegeen in ay dib iskugu noqon doonaan, oo ay xaalada wax ka qaban doonaan, waxayna madaxweynaha u soo jeediyeen in uu xaalada dajiyo madaama oo uu yahay odaygii umada.