Qarax khasaare geystay oo ka dhacay magaalada Jowhar

Jowhar (Aftahannews)- Ugu yaraan shan qof, ayaa ku dhaawacmay qarax saaka ka dhacay Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.

Qaraxan yimid kaddib markii gaadhi nooca loo yaqaaan Noha oo lagu soo xidhay waxyaabaha qaraxa uu ku qarxaay afaafka hore ee hotel Nuur Doob.

Waxaa jiray warar sheegaya in ciidamada ammaanka ay maalmihii la soo dhaafay ku raad joogeen gaadhigan.

Dhinaca kale, waxaa lagu soo warramayaa in deegaanka Qabno ee hoostaga degmada Matabaan ay ka dhacday duqeyn cirka ah oo ayna jirin cid khasaare ka soo gaadhay, mana cadda cidda ka dambeysay duqeyntay.