Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la leh Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka

Muqdisho (Aftahannews)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kulan kula leh Madaxtooyada Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya. Kuwaas oo laga soo doortay Dowlad Goboleedka Jubbland.

Warar, ayaa sheegaya in kulanka u dhaxeeyaya Madaxweynaha iyo Xildhibaannada lagaga hadlayo soo magacaabida Golaha Wasiirada cusub ee Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre. taas oo la filayo in lagu dhawaaqo dhawaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay la kulmayay xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka, isagoo ka dalbanayay inay codkooda kalsoonida siiyaan xubnaha lagu dhawaaqi doono ee Golaha Wasiirada.

Kulankan kuwii ka horreeyay waxaa ka mid ahaa kii uu la qaatay xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka, islamarkaana laga soo doortay DG Galmudug , kuwaas oo uu Madaxweyne Xasan kala hadlay sidii ay u ansixi lahaayen xukuumadda cusub.

Sidoo kale, wuxuu u soo jeediyay inay kala shaqeeyaan xubnahaas xaaladda adag ee ay Soomaaliya ku jirto sidii looga samatabixin lahaa. Maadama ay Soomaaliya ka jiraan Abaaro dadka iyo duunyada si guud saameyn ugu yeeshay.