Qaramada Midoobay oo cadho ka muujisay dad ay laayeen ciidamadoodu

Congo (Aftahannews)- Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa sheegay inuu aad uga cadhooday ka dib markii ugu yaraan 2 qof ay ku dhinteen markii ciidamada nabad ilaalinta ee UN-ta ee ku sugan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ay rasaas ku fureen deegaan ku yaalla xudduudka oo ay dadka isaga gudbaan.

Waxaan dhacdadan ku dhaawacmay 15 qof oo kale.

War qoraal ah oo uu soo saaray Mr Guterres, ayaa ku baaqay in lala xisaabtamo ciidamada dhacdadaasi kadib.

Waxay arrin dhacday xili ay ciidamada xoog kaga soo tallaabeen xuduudka Uganda, una sii gudbeen dhanka Bariga DR Congo.

Madaxa howlgalka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay, Monusco, ayaa sheegay in la xidhay ciidamadii dhibaatadaas geystay isla markaana la baadhayo.

Muuqaal la soo duubay, ayaa muujinaya in uu muran dhacay ka hor inta ayna ciidamada ka tirsan howlgalka Qaramada Midoobay ayna billaabin in ay dadka toogtaan.

Toddobaadkii la soo dhaafay waxaa dhacay dibadbaxyo rabshado watay oo lagaga soo horjeeday howlgalka Qaramada Midoobay ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo, waxay dadka ku eedeeyeen ciidamada inay ku guuldareysteen inay ka hortagaan weerarada kooxaha hubeysan.